(Salaamanews)-Dawooyinka loo iib geeyo dalka Soomaaliya ayaa laga deyriyay heerkooda waxtar, waxaana la sheegay in wax lagu dabiibo warkeeda daaye iyaga cudur halis ah laga sii qaadi karo, waxaana dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay inay ka gaabisay tayeynta dawooyinka dalka soo gala.
Dr. Yuusuf Axmed maalin, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga Chemistry-ga oo dhawaan tagay Soomaaliya ayaa markuu ku soo laabtay dalkani Mareykanka wuxuu sheegay in xaaladda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid ka sii dareysa.
Mr. Maalin oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu Muqdisho ku soo arkay dad isticmaalaya dawooyin waqtigoodu dhacay, iyo farmashiyeyaal dawada iibinaya iyagoo aan helin warqad uga timid dhaqtar caafimaad.
“Waan tagay Muqdisho, waxaana soo arkay dad ku qanacsan dawooyin dhacay oo ay isticmaalayaan, markaad u sheegto in dawadii ay dhacday waxay kuu sheegayaan inay raqiis u tahay” ayuu yiri Maalin.
Dr-ku wuxuu sheegya inuu diyaar u yahay isaga iyo urur caafimaad uu la shaqeeyo inay caawiyaan dowladda Soomaaliya hadii ay ka soo codsato wada shaqeyn rasmi ah oo dhexmarta.
Wuxuu xusay inuu la kulmay madaxda wasaaradda caafimaadka, isagoo xusay inuu rajo ka qabo in isbadal ay sameyn doonaan madaxda xafiisyada dowladda dhawaan la wareegay.
Safiyo Cabdullaahi, waa hooyo ilmo12-bil ahaa uu kaga geeriyooday dawo aan dhaqtar u soo qorin oo ay ka soo iibsatay xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay, iyadoo la hadashay xafiiska Salaamanews ee Muqdisho ayay sheegtay inay go’aansatay inaanay dhaqtar la’aan carruurteeda dawo siin.
Inta badan wadamada India, Pakistan iyo China ayay ganacsatada Soomaalida ka soo qaataan dawooyin aan tayo badan laheyn, iyagoo aan lala xisaabtamin ayay suuqyada soo galiyaan taasina waxay kamid tahay dhibaatada dalka heysatay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Salaamanews
Minneapolis, Minnesota
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






