(Salaamanews)-Ururka waddani oo ka mid ururrada siyaasadda ee Somaliland ayaa maanta deeq xoolo iyo dhar ah gaarsiiyay saddex isbitaal iyo xabsiga dhexe ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
25-neef oo ari ah iyo dhar isugu jira kuwa la huwdo iyo marooyinka lagu goglado ayuu ururka gaarsiiyay isbitaalka dhimirka, isbitaalka qaaxada, isbitaalka guud iyo xabsiga dhexe ee magaalada Burco.
Waddani oo maanta lahaa isku soo baxa ololaha xildhibaannada golaha deegaanka ee Burco ayay mas’uuliyiintiisu sheegeen inay qorshahoodi beddeleen.
Guddoomiyaha Waddani ee Togdheer, Xuseen Kaahin ayaa sheegay in ololahoodi maanta ay ku beddeleen deeqda ay gaarsiiyeen goobaha caafimaadka iyo xabsiga dhexe ee magaalada, isagoo sheegay in haddii doorashada golaha deegaanka ay ku guulaystaan ay taakulayn doonaan dadka dhibaataysan.
Dadka deeqda la siiyay iyo culimada gobolka Togdheer ayaa soo dhoweeyay tallaabada deeqda ururka, waxayna ugu baaqeen ururrada kale ee siyaasadda inay ku daydaan Waddani.
Waa deeqdii ugu horreysay oo nuucan oo kale ah oo uu ururku gaarsiiyo xarumo muhiim ah, waxaana tani loo arkaa tallaabo cusub oo gogol xaar u ah xisbiyada Somaliland.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






