(Salaamanews)-Waxaa Sabtida maanta ah magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad shahaadooyin sharafeed lagu guddoonsiinayay qaar ka tirsan baliiska qaabilsan nabadgelyada waddooyinka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa 20 askari oo ka mid ah baliiska nabadgelyada wadooyinka guddoonsiiyay shahaadooyin lagu aqoonsanayay kartidooda iyo dadaalka ay u galeen inay xaqiijiyaan ammaanka waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Baliiska la guddoonsiiyay shahaadooyinka ayaa ka howgala waddooyinka magaalada si ay u xaqiijiyaan in la fuliyo sharciga waddooyinka oo laga doonayo wadayaasha gaadiidka.
Darawallo aan sharciyeysneyn iyo gaadiid aan taariko lahayn ayaa ka mid ah caqabadaha ay maalin kasta wajahaan baliiska waddooyinka.
Taliyaha baliiska nabadgelyada waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shahaadooyinka la guddoonsiiyay qaar ka tirsan baliskiisa, isagoo sheegay inay ciidanku qabtaan howlo muhiim u ah dadka iyo dalka.
Agaasimaha wasaaradda gaadiidka Mr. Dhagaxtuur, ayaa sheegay inay wasaaradda gaadiidka sii wadi doonto abaalmarinta iyo dhiirri-gelinta booliska nabadgelyada waddooyinka.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






