(Salaamanews)- Dowladda wadanka Turkiga ayaa tababar muddo socday u soo xirtay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo xirfadda ku cusub iyo kuwa horey uga shaqeeyay dalka, waxaana ay dhawaan ka shaqa billaabi doonaan xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.
17-doctor oo tababar ay siisay dowladda Turkiga ayaa waxaa munaasibad loo qabtay ka qeyb gashay wasiiradda horumarinta adeegga bulshada Soomaaliya marwo Maryan Qaasim Axmed, iyadoo ugu hambalyeysay sida ay ugu raja weynyihiin in dalkooda iyo dadkooda ay wax u qabtaan.
Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in dhaqaatiirtu markii horey ay soo xushay dowladda Soomaaliya, isla markaana la baray umulinta, badbaadinta carruurta iyadoo si gaar ah loogu bogaadiyay qaabka tababarka ay uga soo baxeen.
Maryan Qaasim oo ka hadleysay munaasibad ay dhaqaatiirta ugu hambalyeneysa y ayaa waxaa ay tiri “Runtii tani waa howl wanaagsan oo ay gacan naga siiyeen walaalaheenna Turkiga waana uga mahadcelinaynaan. Dhakhaatiirtan waxay wax badan ka bedeli doonaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira umulinta iyo badbaadinta ubadka,” .
Wasiirraddu waxay dowladda Turkiga masuuliyiin ka tirsan kala hadashay sidii ay u sii wadi lahaayeen saacidaadda Soomaaliya, waxayna uga mahadnaqday sida saaxiibtinimada ay ku jirto ee ay isku kaashanyaan xukuumadaha Muqdisho iyo Istanbuul.
Qaasim ayaa si’ kala gaar ah u la kulantay danjiraha safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka mid ah howlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.
Turkigu waxaa lagu xasuustaa kaalmadii uu u fidiyay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, markaasoo macluushii ugu xumeyd muddo nus qarni ah ay ku dhufutay dalka Soomaaliya.
Istanbuul-Turkiga
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)







dhalinyarada loo soo xirey taqtarnimada maxaa naga galey ileen ninka madaxweynaha ah hawiye bas uun buu hormarinayaah gobalada hawiyuu ciidamada aminson buu geeyaa ciidamaduu ka abaabulana waa hawiye ityo raxan weyn taqaatiirtuu diraayana waa hawiye waxbarashada loo qaado turkigana ardayda la siiyo waa hawiye marka waa inku kali waxaad wabseydyada aad ku qoreysaan waxaan u aragnaa xayeeysiin xasan guurguurtana meel gaari maayo insha alaah waxii uu isku koobayna waa lagala xisaabtami doonaa ileen umadu ma aha hawiye iyo raxanwyn