(Salaamanews)-Mid kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo muddo ka shaqeynayay howlaha caafimaadka ayaa sheegay inuu dadaal iyo juhdi badan kadib ilaahay tusay dawada cudurka dilaaga ah eek a hortag mooyee dawadiisa dunidu ay ka daashay HIV/Aids.
Dr Sheekh Yuusuf Suudaani, oo muddo ka shaqeynayay howlaha caafimaad xarun dadka xanuunsan lagu daweeyo ku leh Muqdisho, ayaa shaaciyay inuu ogaaday dawada cudurka dilaaga ah AIDS-ka, isagoo xusay inay dawadiisa ku caafimaadeen dad ka yimid wadamo kala duwan oo markii hore cudurka qabay.
“Waxaan daweeyay ilaahay fadligiis, dhowr qof oo meelo kala duwan ka yimid iyagoo cudurka loo sheegay inay qabeen, laakiin markii ay dalalkii ay ka yimaadeen ay ku noqdeen, waxaa la yiri nakatiibo, cudur ma qabtaan sidaas ayaa ku ogaaday inaan dawada haayo” ayuu yiri Dr. Suudaani.
Wuxuu sheegay in dadka aysan aaminsaneyn in cudurka HIV-AIDS uu leeyahay daawo balse wuxuu sheegay inuu jiro daawooyin loo isticmaalo cudurkaasi oo dadka ay ku caafimaadaan.
Ilaa shan qof ayuu sheegay inuu ka daaweeye cudurkaasi islamarkaana qaarkood ay ka yimaadeen dalka dibadiisa iyaga oo caafimaad qabana ay dib ugu noqdeen halka ay ka yimaadeen.
Labo hablood iyo saddex rag oo labo kamid ah dalka Mareykanka ay ka yimaadeen ayuu sheegay in si lacag la’aan ah uu ugu daaweeye xaruntiisa magaalada Muqdisho ,waxaana uu sheegay in daawada uu siiyay ay tahay daawo dhireed loo helay cudurkaasi.
Hay’adaha iyo sidoo kale NGO-yada ayuu sheegay inay hayaan dad qaba cudurka HIV-AIDS balse ay u sheegaan inaanu cudurka daawola heyn isaga oo cadeeyay inuu jiro daawada cudurkaasi cidii doonaysana ay si toos ah ula xiriiri karaan.
Dawada cudurka ayaa waxaa ay noqotay mid dunidu ay ku daashay raadinteeda, waxaana hadalka Dr. ku imaanayaa xilli dad badan oo Soomaali ah ay qabaan cudurkan dilaaga ah, culimadana waxay dawadiisa ku sheegeen in laga fogaado xaaraamta.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






