Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

DHAWAAQII RASAASTA DHAWAAQ BAA BEDELAY! Qormo xiise gaar ah leh oo Muqdisho ku saabsan!

Qalinkii: Abukar Albadri 

(Salaamanews)- Dadka qaar riyo maalmeed ayey la tahay in aysan madaafiic ka dhaceyn Muqdisho, rasaas wiifeysa ay san dad jidadka ku dileyn misena iska-hor-imaadyo beeleed aan warbaahinta laga sii deyneyn.

In dagaal oogayaal aysan xaafado u xirneyn, kaabbo mooryaano awood badan lehna aysan jirin, jidadkuna ay taagan yihiin Booliis iyo taraafiko ma ahan mucjiso, balse dadka qaar waxay u tahay arrin ugub ku ah taariikhda Muqdisho.

Idaacadaha qaar barnaamijyada doodahooda waxay ku soo qaataan barnaamijyo ay ka mid yihiin “Side loo hagaajin karaa xaaladda suuqyada Muqdisho? Maxaa hor taagan in uu sharcigu shaqeeyo? Iyadoo idaacadda Barkulan ay ku dhiiratay in ay barnaamij dhan ku soo qaadato foorida iyo sida ay Soomaalida u adeegsato taas oo ay bud dhig uga dhigayeen foori cajiib ah oo laga duubay nin xoolihii dhaafeen oo yara qafiifay, kaddibna foori ku ciil baxay.

La laab bogii guduudnaa ee wararka dagaalka, xasarad iyo welwelka leh uun lagu qori jiray, waxaana lagu bedelay bog cad oo rajo xambaarsan walow uu wato su’aalo weli jawaab u baahan.

Marka aad dhex mareyso xaafadaha Muqdisho daryanka iyo shanqarta is wada qabsanaysa mar qura eecka yeereysa guryaha dib loo dhisayo kama tiro yara shanqartii magaalada ka dhaceysay xilligii ay caasimada ay dhan walba kaga hoobanayeen Madaafiicda aan loo meel dayin.

Hase yeeshee bulshadu si dareen la’aan ah ayey ku joogtaa xaafadaheeda mana jirto dhiilo colaadeed iyo welwel midna. Bal aan dhahno waa horumar laga gaaray dhanka nabada caasimadda.

Si ay taasi kuugu cadaato, aan ku siiyo tusaalooyin. Dhawr bilood ka hor, marka aad cagta saarto wadada dabka waxay indhahaagu qaban jireen guryo burbursan oo aan laga heleyn mid aan laheyn raadadka dagaalada ee isugu jiray madaafiicda iyo rasaasta raadadkeeda oo ahaa kuwo u ek in goobtaas muddo qarniyo ah lagu dab rid baranayey.

Kala duwan shalay iyo maantee! Meeshii sidaas ahayd waxaa haatan lagu diimayaa guri dunsan ama derbi kaliya ee laga arki karo raadadkii madoobaa ee dagaalada sokeeye.

Marnaba ha iga beensan haddii aan ku iraahdo in ka badan 6 hoteel oo cusub oo shaqeyneysa ayaa maanta ka dhisan inta u dhexeysa baarkii shaqaalaha illaa isgoyska dabka oo ah masaafo aan ka badneyn 1-2km oo kaliya, dhammaan hoteeladaasna waxaa la dhisay muddo 12 bilood gudahood ah.

In kastoo hoteelka wadadaasi ugu caansan uu ahaa Hotelkii Maka Al Mukarama ee uu lahaa Cali Mahdi Maxamed, haatan waxaa ku soo biiray hoteelada kala ah Hotel Barwaaqo, Hotel Kuweyt, Tourist Hotel, Hotel Nahru Niil, Hotel Xaaji Raage iyo Hotel Maka Al Mukarama oo isna dhisme iyo dayactir yaab lihi ku socdo, dhawaanna la filayo in uu hawl galo.
Waxaa intaas wehliya, carwooyin waaweyn oo laga dukaameysto, maqaayado raashiin macaan, dukaamo lagu iibiyo qalabka kooraanka ku shaqeeya (Electric) iyo farmashiyeyaal. Doobi (Dry cleaner) casri ah oo indhaha saxaafadda caalamka soo jiidatay ayaa laga furay isla wadadaasi.

Jidkan tusaale uun baan u soo qaataye, meel ka mid ah Muqdisho oo aan ganacsigu ku baahin ma jirto, marka laga reebo goobo daafaha ah oo weli baqdini ay ka jirto. Xaafadiihii ay deganaayeen hormuudka Bulshada ee dhanka dhaqan-dhaqaale, sida Xamarweyne, Shangaani iyo Xamar Jajab ayaa iyagiina naftu ku soo noqtay oo laga sameeyey goobo ganacsi oo noocyo kala duwan leh, misena adeegyo loo aayey u qabta bulshada.

Jidadka sidaas ganacsiga ugu camirmayo waxaa buux dhaafiyey gaadiidka yaryar ee lagu raaxeysto, ha yeeshee ma shaqeeyo sharciga waddooyinka, mana laha Samaafarooyinka (Traffic lights) ama astaamihii hagayey wadayaasha gaadiidka isaga gooshaya gudaha caasimadda iyo gobalada ku heeran.

Badashada gawaarida waxaa dhiirigeliyey iyadoo ay yeraatay kala dhicii gawaarida, taas oo bulshada aan hubeysneyn ee Soomaaliyeed ka hor istaagi jiray inay iibsadaan gaadiid mid shaqo iyo mid raaxo intaba.

Wax yaabaha uu is bedelku ku yimid waxaa ka mid ah magac ay Muqdisho caan ku aheyd oo ahaa “Magaalada ugu halis-san dunida” kaas oo uu bedelay sifaha cusub ee Muqdisho haatan lagu qeexo oo ah “Magaalo ka soo kabanaysan dagaaladii sokeeye” isla markaasna uu ka socdo ganacsi bulaalaya. Magacaas ma aheyn mid Muqdisho la iska siiyey ee way aheyd meel halis ah.

Sanadkii 2011-da kaliya, xusuusaha aan iloobi doonin ee igu soo maray Muqdisho waxaa ka mid ah in rasaas soo hoobaneysay ay jebisay koobkii uu shaaha ku cabayey mid ka mid asxaabteyda xilli galab ah, in xabad guriga noogu soo gashay, ku dhacday saqafka guriga, kaddibna dib ugu soo dhacday miis aan wax ku cuneynay anaga oo 12 qofood ah, raashiinkii oo dhamina ciid noqday.

Qolkii aan jiifay oo aan salad subax in aan dukado aan uga soo baxay ayaan u soo laabtay isaga oo dhinac dhan ka dunsan oo uu gantaal habow ah haleelay, laakiin dagaal ayaa ka socday goob aan aad uga fogeyn meesha aan deganeyn.

Xilligaas markii uu qofku doonayo in uu baxo guriga uu ku nool yahay, ama hoteelka uu degan yahay waxaa caado aheyd in aan irridda la furi illaa la hubiyo dadka banaanka jooga iyo waxa ay yihiin. Haddii qof aan la garaneyn uu ku jiro dadka banaanka jooga ma sahlanayn in la baxo. Weliba haddii bac, daasad ama kartoon aan meesha horey u oolin lagu arko taxadar gaar ah ayaa loo yeelanayey si loo hubiyo in ay ku jiraan wax qarxi kara oo la soo diyaariyey.

Dilalka qorsheysani waxay ka mid ahaayeen nolol maalmeedka waxayna ka dhacayeen goob walba oo magaalada ka mid ah. Madaxtooyada oo aheyd meesha loogu waardiyeynta badan yahay ayey irriddeeda ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Hade la soco! Marna kuuma aan xusin asxaabteydii saxaafadda ee xaq darrada lagu laayey. Kama aan hadlin ardaydii lagu xasuuqay hargaha iyo saamaha, haweenkii iyagoo jidad qashin ka xaaqaya la laayey iyo marasta jidadka lagu gawracayey ee inta teleefoonada lagu duubo la isugu dirdirayey midna.

Daliilaha loo cuskan karo in uun isbedel ku yimid waxyaabo badan, xaaladda Muqdishana ay horseed u tahay arrimahaas waxaa ka mid ah sawir gacmeedkii Amin Arts ee inta badan ku saabsan arrimaha dagaalada waxaa bedelay TAXANAHA cusub ee ISMA LAHEYN ee uu dhawaan soosaaray rugcadaa Amiin Caamir Maxamed oo bulshadu ay ku xasuusan doonto kaalintiisii hagar la’aaneed ee iftiiminta, toosinta iyo sixiddaba isugu jirta.

Aan kaftankana jalleecee! Mar baan is iri qormooyinkii Abukar Albadri iyo Faallooyinkii Cabdulqadir Dulyar waxaa bedelay Facebook, falanqeyntii BBC waxaa bedelay Paltalk dhawaqii Rasaastee ay Muqdisho caanka ku noqtayna waxaa bedelay shanqarta dubaha lala dhacay masaamiirta iyo Laamayeeriga, kuwaas oo magaalada oo dhan ka socda.

Waxaa xusuus gaar ah mudan in hab maamuuskii ay madaxda Itoobiya kula dhaqmi jireen madaxda Soomaalida uu is bedel ku yimid, taas oo laga dheehan karay sida loo soo dhoweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida Sharafta iyo Karaamada huwan ee uu Calanka Soomaaliyeed ugu salaamay Magaalada Addis Ababa xilli uu salaam sharaf ka qaadanayey ciidan lagu diyaariyey garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo dul socday roogga guduudan ee loo dhigay ayuu marka uu la soo sinmay calanka Soomaaliya mar qura intuu si halaasi ah isu weeciyey, calanka abbaaray, si qushuuc badan leh u hor qotomay, salaan qaran siiyey calanka Soomaaliyeed oo uu kor u haayey mid ka mid ah askarta itoobiyaanka ah ee salaam sharafta bixinayay.

Bal adigana wixii iska kaa bedelay iyo fikirkaaga ku soo hagaaji qalin1@gmail.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal