(Salaamanews)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso qarax sideedii fiidnimo ee xalay lagu weeraray masjid ku yaal xaafadda Islii magaalada Nairobi, halkaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad Soomaali u badan.
Dad goob joogayaal ah oo masjidka ka soo baxay ayaa SN u sheegay in qaraxa oo ahaa bomb gacmeed lala beegsaday Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kaamakunji, mudane Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi (Indha-gammuun), oo Soomaalida kaga jawaabayay su’aalo ku saabsanaa khudbad uu ka jeediyay masjidka salaadii Maqrib kadib.
Ugu yaraan seddex ruux ayaa la xaqiijiyay in qaraxu ay ku dhinteen shan iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacyada qaba kamid ah Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo la rumeysanyahay in qaraxa lala beegsaday.
Xoghayha Xildhibaanka Maxamed Ismaaciil , oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay dhaawaca mudanaha, wuxuuna sheegay in la dhigay cisbitaalka Nairobi.
“Qaraxa waxaa lala beegsaday xildhibaan Yuusuf Xasan, isagoo ka jawaabayay su’aalo ay dadku soo weydiinayeen, waxaana uu dhaawac ka qabaa labada lugood” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.
Ciidamada Kenya ayaa Sabtida saaka ah billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay qaraxa lala beegsaday masjidka Al-hidaaya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Taliyaha baliiska magaalada Nairobi, Moses Ombati, ayaa wariyeyaasha u sheegay in weerarka ay ka dambeeyaan kooxo nabad diidayaal ah, asigoo ku eedeeyay fallaagada taageersan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya gudaha Nairobi.
“Weerarkan waad arkeysaan waa mid argagaxiso, baaritaankeenna ma rabno inaan ka hordhacno, laakin, waxaan rumeysanahay inay fuliyeen kuwa taageersan shabaabka Soomaalida” ayuu yiri Moses Ombati.
Qaraxa ka dhacay Nairobi ayaa ku soo beegmaya iyadoo wax ka yar hal cesho uu qarax ka dhacay xarunta ciidamada cirka magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaana qaraxyadu ku soo badanayaan caasimadda Kenya.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






