(Salaamanews)-Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weerar aano qabiil ahaa uu ka dhacay tuulada Gawaan, halkaasi uu maamulo maamulka Galmudug State.
Sida dad deegaanka ah ay SN u sheegeen afar ruux ayaa la dilay kadib markii seddex maalin ka hor ay dileen nin la sheegay in loo beegsaday aano qabiil, waxaana ragga la dilay maanta iyana loo dila qaab aargoosi ah.
Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Gawaan oo 250-km u jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka, Mudug, waxaana billowday waan waan ay wadaan dadka degan gobolka Mudug.
Nabadoon Cumar oo kamid ah odayaasha reer Galmudug ayaa sheegay in dilka ka dhacay deegaanka Gawaan uu ahaa mid wuxuushnimo ah, wuxuuna dadka deegaanka uga digay in falalka nuucaasi ah ay sameeyaan.
Dilka loo geystay afarta nin ayaa dhacay iyadoo ay socotay waanwaan la rabay in lagu damiyo xaaladda, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay beelaha dilalka isdhaafsaday iyo maamulka Galmudug State.
Raggii dilka geystay ayaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen, sida ay SN u xaqiijiyeen ilo ku sugan deegaanka oo lagu klasoonaan karo.
Dilka afarta nin ayaa dhaliyay xiisad hor leh, iyadoo odayaashii ku howlanaa waanwaanta ay si kulul u cambaareeyeen falka maanta dhacay.
Salaamanews
Galkacyo-Mudug
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






