Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Dilka wariyeyaasha maxaa loo dabar goyn la’yahay?

(Salaamanews)-Sanadka 2013-01-18, waa maalin buug naxdin leh u furtay wariyeyaasha Soomaaliyeed, waa maalin murug ku reebtay shacabka Soomaalida, waxaana goor hore oo jimcaha maanta ah Muqdisho lagu dilay wariye C/xareed Cismaan Aadan oo ka shaqeynayay idaacadda Shabeelle.

Wariyaha dilkiisa sida aan horey idiin ku soo baahinay waxaa fuliyay labo dhallinyaro ah oo baskoolado watay, waxaana ay goobta ka baxsadeen markii ay falka fuliyeen, balse nasiib wanaag wariyuhu wuu badbaaday waxaana la dhigay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

C/risaaq Aadan Qoslaaye oo madaxa shaqaalaha ka ah idaacadda Shabeelle ayaa SN u sheegay in dilka wariyaha uu ka dambeeyay markii ay kooxo hubeysan ku weerareen degmada Wadajir isagoo shaqada ku sii jeeday.

Mar aan weydiiyay dareenkiisa iyo sida uu u arko dilka joogtada u noqday wariyeyaasha Shabeelle ayuu Mr. Qoslaaye sheegay inaanay shaqada joojin doonin ilaa ay idaacaddu shaqeyneyso wariye ka tirsan raadiyahooduna noolyahay.

Ururka suxufiyiinta qaranka ayaa cambaareeyay dilka wariyaha, kuna tilmaamay mid muujinaya inaan wali laga jawaabin qatarta saxaafaddu ay kala kulmeyso amni xumida ka jirta Soomaaliya.deel

Xoghayaha maaliyadda ee Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ  C/rashiid Deel, ayaa SN u sheegay inuu ka xunyahay dilka, wuxuuna dowladda ka codsaday in la baaro sababta degmada Wadajir loogu ugaarsado wariyeyaasha ka shaqeeya Muqdisho.

Si’ saxaafaddu u badbaado dowladuna ay kaalin u geysato ayuu Mr. Deel, ku baaqay in la raaco seddex qoodob oo kala ah sida uu yiri “In wariyeyaashu ay ka fiirsadaan wararka ay baahinayaa, in xilliga ay socdaan ay ka baaraan degaan, iyo inay ka war qabaan amniga deegaanka ay ku nool yihiin”.

Dhanka kale gudoomiye xigeenka amaanka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Warsame Joodax, oo aan taleefanka kula hadlay ayaa SN u sheegay in dilalka iyo weerarrada ay la kulmayaan wariyeyaashu u baahantahay baaris dheeraad ah.

“Waxaa naga go’an inaan baarno dilalka wariyeyaasha loo geysanayo gaar ahaan degmada Wadajir, waxaa ognahay in qofkasta uu dhimanayo laakiin waa in sababta la ogaadaa” ayuu yiri Mr. Joodax.

Suxufiyiinta Soomaaliya ka shaqeeya ayaa la kulma dhibaatooyin ay kamid yihiin, Dil, Hanjabaado, Xarig, iyo dhibaateyn kale, waxaana dhawaan dowladdu ay xirtay wariye C/casiis Koronto oo lagu eedeeyay inuu warbixin been abuur ah u diray talefashinka Al-jazeera.

Tifaftiraha idaacadda Dalsan, Abuukar Dayax, ayaa SN u sheegay in dowladdu ay ka meermeereyso in la cadeeyo sababta loo xiray wariyaha, isagoo dowladda ku eedeeyay inaana masuuliyadeeda si nadiif ah u gudan.

“Booliska ayaa ku dhawaad 8-maalmood heysta wariyaha yaga Koronto, sababta hadii aan weydiinay waa ay ka gaabsadeen, waxay marmarsiyo ka dhigteen in maxkamadda dib loo dhigo, taasina waa tan keeneysa inaan wali kalsooni jirin” ayuu yiri Dayax.

Wariyeyaasha la dilo ama la dhaawacyo, oo sii badanaya darteed Malaga yaabaa in wariyeyaal kale ay dalka uga baxaan cabsi taasi ka timid darteed mise laga yaabaa in wariyeyaal badan shaqadooda ay ka gaabiyaan su’aashaas ayaan weydiiyay Tifaftiraha Radio Maanta Xuseen Maxamed Cabdulle Automatic?.

“Waad mahadsantahay, hadii wariye la dilo, waxaa cabsi ay soo wajaheysaa wariyaha kale, oo ku fakaraya, goormaa lagu dili doonaa ma adigaa ku xiga mise mid kalaa kaa horreeyaa suxufiyiintu waa dareen ku joog” ayuu yiri Cabdulle.

Wariyeyaasha iyo warbaahintu markii ay soo bateen ayaa dilkuna batay, taasina waa midda keentay walaaca dadku ay qabaan marka wariyeyaashii la dilauy aqoon xumo ayay u dhinteen malleys oran karaa ayaan markale hor dhigay Xuseen wuxuuna ku jawaabay.

“Maya maya, lama dhihi karo, waayo waxaa la dilay manta Cabdixareed, wuxuu ahaa abwaan caan ah, aqoon xumana looma dilin, waxaa la dilay Saciid Tahliil aqoon xumo looma dilin, Cali imaan aqoon xumo looma dilin, waxaan qabaa kooxaha wax dila inay beegsadaan idaacad kasta kan ugu aqoonta iyo aragtida suuban” ayuu sii raaciyay.

Hadaba wariyeyaasha ka shaqeeya Soomaaliya waxaa manta u furmay dhabihii werwerka maadaama la billaabay dilka wariyihii ugu horreeyay, waxaana la xusuustaa in sanadkii 2012, la dilay 18-suxufi.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal