(Salaamanews)-Shacabka dalka Djibouti ayaa saaka u dareeray goobaha cod-bixinta, si ay u doortaan xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka dalkaasi.
Dad gaaraya 200 oo kun ayaa sharci u leh inay ka codeeyaan 480 oo ah xarumaha lagu codeeyo oo dalka oo dhan laga sameeyay, sida uu VOA-da u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Djibouti, Cabdi Ismaaciil Xirsi.
Kormeerayaal caalami ah oo 60 gaaraya ayaa Djibouti u jooga qiimeynta hannaanka doorashada, iyadoo tebinta saxaafaddana ay xaddidan tahay, sida ay VOA-da sheegeyso.
Doorashooyinka waxaa ka qaybqaadanaya xisbiyada mucaaradka, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay doorashada ka qaybgalaan muddo toban sano ah.
Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horraantii toddobaadkan ku eedeeyay xisbiyada mucaaradka inay qalqal-gelinayaan amniga dalka.
Salaamanews, Djibouti
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






