Latest

May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - May 14, 2013 - IOM oo Ajaanib ka daabuleysa deegaamada maamulka Puntland ... - May 14, 2013 - Kenya oo dib u soo noolaynaysa bilayska kaydka ah ee Gaarisa si ay ula dagaallamaan al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Abaanduulaha cusub ee ciidamada militariga oo u hanjabay kuwa dhaca geysta ... - May 14, 2013 - Nin la shaqeyn jiray Burcad badeedda oo lagu xiray Jarmalka ... - May 13, 2013 - WHO Investigates Possible Polio Case in Somalia ... - webdesign

Home » Dhaqaalaha, Warar

Dooddii Miisaaniyadda Maraykanka oo Heshiis laga Gaarey

(Salaamanews)- In kasta oo aanu ahayn mid dhameystiran, haddan xubnaha labada xisbi ee Congresska Maraykanka ayaa gaaray heshiis lagaga fogaanayo hoos u dhac dhaqaale.

Aqalka Cad iyo Saraakiisha xisbiga Dimqoraadiga ayaa sheegay inay heshiis la gaareen xubnaha xisbiga Jamhuuriga, ka dib labo maalmood oo dood kululi ka dhex socotay, taasoo la doonayey in lagaga fogaado waxa loogu yeero “hanaanka maaliyadda ee qarka ka sii dhacaya”. Haddii wadahadaladan lagu guuldareysan lahaa, waxa kordhi cashuurta dhamaan dadka Maraykanka ah ee shaqeeya.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Joe Biden ayaa la kulmay xubnaha Aqalka Senateka ee xisbigiisa Dimoqraadiga, markii heshiiskan la sheegay in uu dhow yahay in la gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskani uu waqtigii loo qabtay ee “haadaan ka dhicidda” lagu daray labo bilood. Waxa sidoo kale xilli dheeri ah loogu daray cashuur dhimistii dadka sanadkii ay soo gasho 450,000 oo dollar, taasoo uu dhaqan galiyey madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush

Isha: VOA

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal