Dadka qurba joogta ah oo ku soo noqonaya Soomaaliya ayaa doolar badan wadanka soo galinaya, taas oo astaan u ah ammaanka soo hagaagaya iyo Soomaalidu inay doonayaan maal gashi iyo dib u dhis.
Laakiin badashada lacagta qalaad ayaa abuuraysa hoos u dhaca qiimaha doolarka marka loo fiiriyo shilinka, kaas oo hadda gabaabsi ah, sicirka noloshana ku kordhiyay dad badan oo Soomaali ah.
Cali Cumar, oo 37 jir ah sariflena ka ah suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in qiimaha doolarku uu aad hoos ugu dhacayo marka loo fiiriyo shilinka Soomaaliya. Laba usbuuc ka hor, $100-ka doolar wuxuu ahaa 2.2 milyan oo shilin, laakiin hadda wuxuu u dhigmaa 1.8 milyan oo kaliya, ayuu yidhi.
“Marka kasta oo nabad iyo daganaan ay jirto, qiimaha doolarku hoos ayuu u dhacaa,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxaan u malaynayaa sababtu in ay tahay dadkan imanaya Muqdisho maalin walba oo doolarka keenaya. Waxaa jirta gabaabsi shilinka Soomaaliya ah.”
Inkasta oo dadka soo noqonaya ay kordhinayaan fursadaha shaqo abuurka, hadana kor iyo hoos u socodka sarifka lacagta waxay dhibaato u keentay dadkii maxalliga ahaa.
Inkastoo uu doolarku ku soo qulqulayo waddanka, lacag shilin ah oo cusub suuqa ma soo galin taniyo wakhtigii xukunkii Siyaad Barre, kaas oo dhacay 1991. Lacag cusub ayaa Suudaan lagu daabacay, laakiin lacagtu wali suuqa ma soo galin iyada oo Soomaaliya ay ka shaqeynayso in ay bangiyadeeda xoojiso.
Maadaama uusan helitaanku isku dheeli tirnayn, doolarka qiimihiisa ayaa hoos u dhacaya markii loo fiiriyo shilinka. Alaabta waxaa lagu sicir gooyaa shilinka, taas oo macnaheedu yahay Soomaalida lacagaha dibadda looga soo diro oo ku qaata doolarka waa inay shilin u baddalaan inta aysan wax ku iibsanin.Suuqa oon daganayn waxaa sii dheer ganacsatada sarifka lacagta ee xorta ah, kuwaas oo aan sharci lahayn sicirkana siday doonaan ka dhiga.
Ciise Abshir, oo ah 32 jir Muqdisho ku nool, ayaa sheegay inuu ka xun yahay hoos u dhaca qiimaha doolarka.
“Waxaan leeyahay qoys ka kooban shan qof, mushaharkayguna waa $150, kaas oo ahaan jiray 3.3 milyan oo shilin markii la sarifo,” ayuu u sheegay Sabahi. “Hadda $150-kii doolar waa 2.7 milyan oo shilin Soomaali ah, taas oon ku filnayn qoyskayga.”
Xuseen Cabdiqadir, oo 27 jir ah, dukaan dharka iyo kabaha lagu iibiyana ku leh suuqa Xamar Wayne ee Muqdisho, ayaa sheegay in qiimaha alaabta oo aan lagu jaan goynin isbaddalka sarifka ay noloshii ku adkaysay dadka.
“Dadku waxay ku wareersan yihiin hoos u dhaca lacagta Maraykanka [marka loo fiiriyo shilinka] dhawaanahana iibkii hoos ayuu u dhacay,” ayuu u sheegay Sabahi. “Dhibaatada u wayn waa qiimaha cuntada oon hal dukaana iska badalin.”
Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in $1 uu ku sarifan jiray lacag shilin ah oo u goysa hal kiilo oo sonkor ah. Haddase, wuxuu u baahan yahay $2.
“Qof kasta oo shaqaale ah, qofkaasi ha u shaqeeyo dawladda ama qof kale, waxaa mushaharka lagu siyaa doolarka Maraykanka,” Cabdiqadir ayaa yidhi. “Waxaa kale oo jira doolar badan oo waddanka soo galaya, lacagtaas oo ay keeneen dad raba inay waddanka maal gashadaan, gaar ahaan Muqdisho. Sababahaas oo dhan ayaa loo eedayn karaa sicir bararka hadda taagan.”
Cabdiqadir ayaa ka codsaday milkiilayaasha ganacsiga in ay qiimaha lacagta ku jaan gooyaan is badalka qiimaha sarifka si ay u kaalmeeyaan dadka dan yarta ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday in uu xoojinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyada oo arrintaas ay qayb ka tahay hadafyo waawayn oo looga dan leeyahay horumarinta iyo xasilinta dhaqaalaha, laakiin wali ma uusan shaacinin wax tafaasiil ah oo la xidhiidha qaababka uu arrintan hadda taagan ee lacagta Soomaliya wax uga qabanayo.
Isha: Sabahionline

![Sariflayaal aan sharci lahayn oo jooga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. [Cali Aadam/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/02/mogadishu-bakara-money-300x199.jpg)


![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






