(Salaamanews)-Wadanka Mareykanka waxaa lagu guda jiraa xili doorashada madaxweyne, iyadoona sanadkaan ay xilkaasi u taagan yihiin labo musharax oo kala ah madaxweynaha haatan Barack Obama, islamarkaasina xilkaasi mar kale xisbigiisa dimuquraadiga uga qeybgalaya doorashada iyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney.
Doorashada ayaa sanadkaan lagu tilmaamayaa in ay tahay doorashooyinkii ugu adkaa ee Mareykanka soo mara abid, iyadoona arrimaha ugu waaweyn ee labada musharax ay ku loolamayaan ay ka mid tahay hoose dhaca dhaqaalaha dunida oo dalkaan saameeyey iyo waliba ummuuro ay ka mid yihiin ammaanka iyo xiriirka dibadda uu Mareykanku la leeyahay dunida inteeda kale.
Dooddii ugu horraysay oo ay isaga horyimaadaan labada musharax ee Barack Obama iyo Mitt Romney ayaa caawa talefishinka ku dhexmartay, iyadoona dooddaasi ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha ay shacabka Mareykanku ku qeymaynayaan musharax ay codkooda siinayaan.
Marka laga yimaado doorashada guud, waxaa sidoo kale xiligaan oo kale iyaduna dhacda doorashooyinka aqallada hoose ee gobol waliba leeyahay.
Guud ahaan ummuurahaasi ayaan waxaan ka wareysanay Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse, oo xubin ka ah urur shaqaale, islamarkaana ka shaqeeya doorashooyinka iyo siddii ay bulshadu uga qeybgali lahaayeen siyaasada.
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Maxamuud oo dhinacyo badan ka hadlaya.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Maxamed Faarax Talyaani, Salaamanews
Minneapolis, Minnesota



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






