(Salaamanews)-Natiijada doorashada golaha deegaanka ee Somaliland, ayaa waxaa ka dhashay muranno xoogan oo hareeyay hannaankii maamul wanaagga Somaliland, waxaana axsaabta qaarkood ay dhaliileen xisbiga talada haya ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Siilaanyo.
Rabshad xooganeyd ayaa maalmihii dambe ka socotay magaalooyin kamid ah dhulka Somaliland, waxaana rabshadaasi ay ka dhalatay natiijadii ay shaaciyeen guddida doorashada golaha deegaanka.
Guddiga doorashada Somaliland isagoo ka jawaabayay cabashooyin ka yimid axsaabta iyo shacabka waxay Sabtida maanta ayuu ku dhawaaqay in dib loo hubin doono natiijadii codadkii doorashada ee dabayaaqadii November laga bixiyay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Ciise Xamari ayaa arrinta sabab uga dhigay kaddib markii ay isa soo tareen cabashooyin looga soo gudbiyay qaabka ay u dhacday doorashada.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sidoo kale rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Hargeysa ay ka dhasheen arrinta cabashada ah ee loo soo gudbiyay.
Shan qof ayaa dhimatay, lix kalena way dhaawacmeen kaddib markii ay rabshado ka dhaceen magaalada Hargeysa.
Rabshaddaasi si toos ah looma ogaan dadka soo abaabulay laakiin waxaa lagu tuhmay qaar kamid ah ururrada siyaasadda ka jira dhulka Somaliland, kuwaasoo dhaliilay hogaanka madaxweyne Siilaanyo.
Salaamanews
Hargeysa, Somaliland
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






