(Salaamanews)-Dowladda Soomaaliya waxay hadda buuxisay shuruudihii caalamiga ahaa ee laga doonayay waxaana ay baarlamaanka Soomaaliyeed dhaqan galinayaan dastuurkii dalka oo turxaanbixin lagu sameeyay,waxaana dastuurkaasi ku cad in qofkasta uu xaq u leeyahay inuu helo xukun cadaalad ah.
Waxaa mararka qaarkood ka dhaca dowladda, gaar ahaan qeybaha garsoorka sida, maxkamadaha dambiyo la xiriira waxa ay qabanayaan iyo xukunnada ay ku fulinayaan eedeysanayaasha.
Madaxweynaha la doortay Xassan Shiikh Maxamuud, ayaa kulan uu dhawaan la yeeshay wariyeyaasha, madaxda warbaahinta iyo kuwa ururka saxaafadda waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay illaalin doonto ammaanka wariyeyaasha iyo xoriyatul xowlka saxaafadda Soomaaliya ka hana qaaday, hase ahaatee taa badalkeeda maalmo kaddib waxaa maxkamad ciidan ay xabsiga dhigtay Ibraahim Maxamed Aadan, oo ahaa wariyihii magaaladda Muqdisho kaga soo warami-jiray idaacadda BBC-da qeybteeda Soomaaliya la hadasha, waxaana wariye Maxamed Ibraahim la xiray iyadoo aysan jirin dambiyo iyo eedaymo ay maxkamadi cadaysay.
Wariye Maxamed Ibraahim, ayaa waxaa lagu soo wargaliyay in laga rabo xafiiska maxkamadda ciidamada qalabka sidda, markuu tagay kaddibna waxaa loo sheegay inuu xarig yahay oo loo heysto dambi uu ka galay maxkamadda ciidamada qalabka sidda.
Cali Baashi Cabdullahi Cabdi, oo ahaa wariye la socday wariyaha la xiray ayaa sheegay in si wanaagsan aan loola dhaqmin markii la xirayey Ibraahim Maxamed Aadan.
Maxkmadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya waxay sheegtay in wariye Ibraahim uu dambi ka galay maxkamadda, kaddibna uu qirtay falkii lagu soo eedeeyay walina uu u xiran yahay si loo baaro, taasise ma cadda.
Ururrada saxaafadda caalamka iyo Soomaaliya iyo waliba kuwa u dooda xaquuqda rayidka ayaa horaantiiba wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga aan sharciga waafaqsaneyn ee dowladda Soomaaliya ay kula kacday wariye Ibraahim Maxamed Aadan, waxaana sidoo kale ay dowladda ku dhaliileen in ay horaanba bilowday caburin iyo ka hortag saxaafadda horta ah ee dalka ka jirta.
Tifaftiraha idaacad maxalli ah oo ka shaqeyso Muqdisho oo magacaabo STN Xasan Maxamed Samatar (Cowke), ayaa ku tilmaamay xariga wariyaha mid dhaawacaya sharafta suxufiyiinta, meel ka dhacna ku noqoneysa xurriyatul qowlka iyo madax-banaanida warbaahinta Soomaaliyeed.
“Dowladda ayaa sheegtay inay ilaalin doonto dastuurka dalka bal ha laga fiiriyo hadii uu ku qoranyahay waxa lagu sameeyay Ibraahim maxamed Aadan oo todobaad xukun la’aan ku xiran xabsiga dowladda,” ayuu Salaama ku yiri Cowke.
Xuquuqda aas-aasiga ah iyo xariga wariyaha.
Markaan si sharci ahaan ah u fiirinno go’aanka maxkamadda ay ku xirtay wariye Ibraahim, ayaa waxaa uu muujinayaa in la dhaawacay sharciga saxaafadda iyo dastuurka u dagsan dalka Soomaaliya, iyadoona hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda ay ku tilmaamayaan xariga wariyaha mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo kan dalka labadaba.
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, waxaa uu ka tirsan yahay hay’adda INXA oo ka mid ah hay’adaha xaquuqda aadanaha ee ka shaqeeya Soomaaliya, waxaana uu qabaa tilaabada dowladdu qaaday ee ay ku xirtay wariye madax banaan iyadoo aysan jirin xukun maxmadeed in ay tahay mid ka hor-imaanaysa sharciga saxaafadda dalka iyo xaquuqda shaqsiga labadaba, islamarkaasina loo baahan yahay in ay dowladdu ka fiirsato.
“Maxkamadda ciidamada qalabka sidda xaq u malahan in ay xirto wariye u shaqeynaya idaacad madax bannaan oo dhexdhexaad ah, waxaana lagu xumaan karaa xukun la’aanta wariyaha,” ayuu Maxamed Cabdiraxmaan Salaama ku yiri, isagoo intaa ku daray . “Maadaama dowladda Soomaaliyeed ay tahay dowlad rasmi ah waxaan dowladda ka codsaneynaa in ay dastuurka ku dhaqdo dalka, waana ognahay in xuquuqda aas aasiga ah ay ku jirto in la dhowro xaqa qofka wariyaha ah.”Ururka NUSOJ ee u dooda xuquuqda wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa dowladda ka codsaday in sida ugu dhaw maxkamad loo soo taago wariye Ibraahim Maxamed Aadan si dambigiisa loo baaro isna uu qareen u qabsado.
Maxamed Ibraahim Bakistaan, oo ah xoghayaha ururkaasi, ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay wariyahaasi dib xoriyaddiisu ugu soo celiso, islamarkaana ay dowladdu illaaliso xaquuqda wariyeyaasha iyi saxaafadda.
Xadgudubyada saxaafadeed ee ka dhaca Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya muddo labaatameeyo sano ah waxaa ka dhacayay dhibaatooyin ka dhan ah saxaafadda madaxa bannaan, waxaana wariyeyaasha lagula kacaa dil,xariga, jirdil, hanjbaadyo iyo dhibaatooyin kale, kuwaasi oo dhammaantoodba ay geysanayaan dhinacyada ku loomaya xukunka iyo siyaasadda dalka.

Soomaali sida meydka wariye Cabdisatar Daahir Sabriye, kaasi ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho bishii September 20-keedi. [Maxamed Cabdiwahab/AFP]
Ma jirto cid ka daba tagta ama baaritaan ku sameysay dambileyaashaasi ka dambeeyey dilalka iyo dhibaatooyinka loo geystay wariyeyaasha Soomaaliya, si loogu cinqaabo.
Muuqaalka dowladdan cusub iyo xorriyadda Saxaafadda.
Dowladihii Kumeel-gaarka ahaa ee dalka soo maray 12-kii sano ee la soo dhaafay waxay aad ugu caan baxeen cadaadis joogta ah oo ay la kulmayeen suxufiyiinta Soomaaliyeed, walow wariyeyaashu ay aad uga baqanayeen dilalka qorsheysan ee kaga yimaaddo mucaaradka hubeysan ee Al-shabaab, hase ahaatee dad badan ayaa rejo ka muujinayey dowladda cusub ee dhawaan la soo dhisay in ay taasi wax badan ka beddali-doonto, islamarkaasina ay wax ka qaban doonto dhibaatada loagu hayo saxaafadda Soomaaliya, gaar ahaan dilalka, xariga iyo handadaada, laakiin taasi ma muuqato.
Wariye Shuceyb Axmed Cabdulle (Wanaag) waa warfidiye ka shaqeeyo idaacadaha Muqdisho, waxaana uu warbixintaan u sheegay in ay rejo badan ka qabeen dowladdaan oo ah mid rasmi ah, islamarkaasina ay illaalin doonto ammaanka wariyeyaasha iyo saxaafadda xorta ah, laakiin ay niyad jab weyn ku noqotay kaddib markii ay dowladda oo aan bilo jirin ay shaqadeedu ka bilowday in ay xirto wariyeyaasha.
“Waxaan islahayn wax badan ayaa iska beddali-doona xaaladdi adkeyd ee aad ku shaqeyn jirteen, maadaama ay dalka ka dhalay dowlad rasmi ah, laakiin xariga wariyahaan waxaa uu nagu abuuray niyad-jab weyn, sidaasi daraadeed dowladdu dhibkii nala ku hayey wax ay ka qabato iska daaye iyada ayaa sii kordhisay,” ayuu yiri wariye Shuceyb.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com





![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






