(Salaamanews)-Barakacayaal badan oo Muqdisho ku dhaqan ayaa ka cabanaya xaalad nolal xumo taasoo keentay in baaqyo kala duwan ay gaaraan xafiisyada madaxda dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa qaba in barakacayaashu ay xaq u leeyihiin nolal wanaagsan laakiin loo baahanyahay in laga shaqeeyo hanaan nabadeed oo dadku ugu noqon karaan dhulkii ay ka soo hayaameen.
Isagoo ka qeyb galay munaasibad lagu dhiirra galinayay dhallinyarada ayuu Mr. Tarsan yiri “Dhallinta maanta waxay ku jiraan nolasha barakacayaasha waayo waxaad arkeysaan hooyo iyo ilmaheeda oo aan waxba cunin nolashuna ay ku adagtahay”.
Hooyo Xaliimo Nuurre waxay ku jirtaa kaamka Badbaado ee Muqdisho, oo kamid ah xirooyinka dadka barakacayaasha ah ay galeen waqtigii baahidu ay ka jirtay dalka Soomaaliya.
Mar aan ku booqday gurigeeda oo ka sameysan Cooshado leys dul saaray ayay SN u sheegtay sidan “Waxaan ahay hooyo dhashay 12-carruur ah intoodaba way shaqeeyaan, laakiin midka ugu weyn ayaan aqoon iska daaye magaciisa xataa qori Karin, waxayna qabtaan shaqooyin ay kamid yihiin caseyn iyo waxyaabo lamid ah”.
Hadaba golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday qorshe ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha oo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho looga rarayo gudaha magaalada.
Kulan uu xalay goluhu ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabkariin Xuseen Guuleed wuxuu ku hor geeyay qorshe ay wasaaraddiisa waddo oo barakacayaasha loogu rarayo goobo ka baxsan caasimadda oo loo qoondeeyey, si kor loogu qaado amnigooda, noloshooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda.
Qorshahan ayaa waxaa wasaaradda ka caawinayo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeyo arrimaha bani’aadanimada, kuwaasoo iskugu jira NGO-yo madax bannaan iyo hey’ado hoostaga qaramada midoobay.
Dhanka kale, golaha ayaa guddi heer wasiir ah oo ka kooban saddex xubnood oo guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay sidii looga shaqeyn lahaa qorshe ay Qaramada Midoobey ku doonayso inay 300 oo shaqaalaheeda ka tirsan oo Nairobi ka howlgala ay bisha March ugu soo rarayso Muqdisho.
Guddiga ayaa howshiisa noqon doontaa sidii shaqaalahaas loogu diyaarin lahaa goobihii ay degi lahaayeen, loona dhameystiri lahaa adeegyada ay u baahan yihiin.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






