Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Dowladda oo Muqdisho ku soo bandhigtay la heystayaal muddo gacanta ugu jiray burcad badeedda Soomaalida

(Salaamanews)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Jimcaha maanta ah Muqdisho ku soo bandhigtay seddex badmaaxi oo gacanta burcad badeedda ku jiray tan iyo sanadkii 2010-kii, xilligaasi oo laga qabsaday xeebaha dalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa wariyeyaasha u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in la soo badbaadiyo badmaaxiyaashan oo aan laga bixin lacag madax furasho ah.

Ragga la soo bandhigay ayaa kala ahaa Ibraahim Cabdalla Jowri oo ah kabtanka markabka ay burcaddu qabsatay sanadkii 2010, oo lagu magacaabo MV Orna, Axmed Cabdalla oo ahaa injineerka markabka waxaana labadan shaqsi u dhasheen dalka Syria.

Qofka sedexaad ayaa u dhashay dalka Srilaanka, waxaana uu kamid ahaa shaqaalaha markabka la socday, soo badbaadinta laheystayaashan waxay ka dambeysay wada xaajood muddo socday oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.

“Halkan waxaa ka muuqda maanta saddex qof oo afduub loogu qabsaday xeebaha Soomaaliya 20-kii bishii December 2010, waxaana xukuumaddu ay ku guuleysatay in laga soo daayo kooxihii gacanta ku hayay,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay munaasabaddii lagu soo bandhigay badmaaxiinta la soo furtay.

Mr. Shirdoon, ayaa soo badbaadinta laheystayaasha ku amaanay dadaal ay uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, oo sheegay in burcad badeedii lagu qanciyay wada hadal nabadeed.

La heystayaasha ayaa wariyeyaasha u sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo badbaadinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in seddex sano ay xorriyad la’aan ahaayeen, waxaana la filayaa in xaafadahooda lagu celiyo.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal