(Salaamanews)- Maamulka Galmudug State oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya wuxuu soo shaqeynayay sanado badan waloow mudadii uu jiray qofba uu qabay fakar maamulkaasi ku aadan oo ku saleysan horumar ama dib u dhac.
Galmudug waxay daris wadaag la tahay maamullada Puntland iyo Ximan iyo Xeeb, waxaana ay la wadaagtaa siyaasadda ka jirta gobolka waloow labada dhinacba aanay ka dhaxeyn wada shaqeyn la taaban karo hadana waxay masuuliyiinta maamulladaasi isku muujiyaan daris wanaag.
Xiriirka Galmudug kala dhaxeeyo Puntland ayaa gaabis noqday kadib markii ay siyaasiyiinta labada dhinac qaarkood ay isku arkeen in dhibaato uu midba midka kale ku hayo.
Dilal qorsheysan oo ka dhacay waqooyiga Galkacyo ee uu ka taliyo maamulka Puntland ayaa waxaa si toos ah loogu eedeeyay Galmudug, waxaana taasi ay kentay in hogaanka amniga ee Galmudug uu bixiyo jawaab xumeysay xiriirkii labada dhinac.
Wada hadal la galo oo la filayay waxaa meesha ka saaray go’aan adag oo ka soo baxay madaxtooyada Faroole, waxaana maamulka Puntland uu ka gaabiyay in heshiis rasmi ah uu la galo maamulka Galmudug State.
Xiriirka Galmudug kala dhaxeeyo maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa isaguna hadda maraya halkii ugu xumaa waxaana labada maamulba ay isku hayaan maamulka magaalada Hobyo iyo cidda xaqa u leh in ay maamusho dekedda magaaladaasi Hobyo.
Muran ka dhashay booqasho uu dekedda Hobyo ku tagay wafdi uu hor kacayay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa keenay in labada maamulba ay isku maandhaafaan wax qeybsi dhexmara.
Caqabadaha ku hor gudban maamulka Galmudug.
Horraantii sanadkan ayaa waxaa cirka isku shareeray maamul xumida kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaasi Galmudug, Maxamed Axmed Caalim uu ka soo horjeestay inuu u diyaar garoobo doorasho xor ah oo la qabto kadib markii ay golaha baarlamaanku soo jeediyeen in waqtigii madaxtooyada uu dhamaaday.
Isagoo ka soo horjeeda inuu doorasho soo qaban qaabiyo ayuu xanuunsaday madaxweyne Caalim, waxaana baarlamaanku ay soo doorteen madaxweyne cusub oo hogaamiya Galmudug, waxaana doorasho xor ah oo la qabtay ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale, oo isagu kamid ahaa dadka sida weyn u la socday siyaasadda maamulka.
Madaxweyne Caalim markuu soo wanaagsanaaday caafimaadkiisa ayuu ku laabtay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuuna la tashi la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ee gobolka.
Mr Caalim wuxuu ka soo horjeestay doorashada uu ku guuleystay Madaxweyne Qeybdiid, wuxuuna ugu baaqay dadyoowga reer Galmudug inaanay qaadan qorsho uu ku sheegay in dad dano gaar ah wata ay soo maleegeen.
Madaxweynaha hadda talada haya ayaa soo magacaabay golaha wasiirrada laakiin waxaa jagooyinkii loo magacaabay ka soo horjeestay qaar kamid ah golaha wasiirrada oo ku andacooday inaanay xirfad u laheyn jagada loo magacaabay, laakiin waxaa la rumeysnaa in wasiirrada xilalka diiday ay taageero u hayeen maamulkii Caalin.
Isqabqabsiga maamulka.
Iyadoo muranku uu marayo halkii ugu sarreeyay ayaa waxaa madaxweyne Caalim uu sheegay inuu xilkiisii ku wareejiyay Prof. Maxamuud Cabdi Cilmi (Tima-kalajeex) oo kamid ah aqoonyahannada reer Galmudug, waxaana taasi ay sii murjisay murankii ka taagnaa maamulka Galmudug.
Madaxweyne Caalim, ayaa markii uu xilka qabanayay waxaa kula murmay hogaamiye Shariif oo isna kamid ahaa rug cadaaga Galmudug, mudadii uu xilka hayay Mr Caalim ayuu ku guul darreystay inuu wax ka qabto dhinacyada amaanka, Burcad badeedda, qaswadayaasha, kuwa la shaqeeyo Al-shabaab iyo guud ahaan dhinacyada kale ee horumarka ka soo horjeedo.
Siyaasiyiinta Galmudug ayaa isku raacay in caqabad uu noqday madaxweyne Caalim, waxaana ay ku eedeeyeen inuu noqday qof aan ka shaqeyn horumarka gobolka laakiin uun eegta danta u gaarka ah reerka uu ka dhashay.
Hadda waxaa Galmudug hogaamiya madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ay doorteen golaha baarlamaanku laakiin waxaa muranka sii hurinaya Prof, Maxamuud Tima kale jeex oo isagu sheeganaya inuu hayo xilkii Mr Caalim.
Kaalinta dowladda iyo muranka madaxda Galmudug.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay xallineyso muranka hareeyay maamulka Galmudug State, waxaana Muqdisho looga yeeray Madaxweyne Qeybdiid iyo Pro. Maxamuud Timo kala jeex oo iyagu isku haya maamulka sare.
Xuseen Khaliif Shiikh, waa nin sheegtay inuu yahay Afhayeenka maamulka Galmudug State, mar aan weydiiyay cidda sharciyan hogaamin karta maamulka ayuu u xagliyay dhinaca Prof. Maxamuud Timo kala jeex oo uu sheegay inuu xilka ku wareejiyay madaxweyne Caalin.
Afhayeenkan oo ah nin taageersan hogaan helista Prof. Timo kala jeex ayaa ku dooday in Madaxweyne Caalim uu xilka helay kadib markii uu talada ku wareejiyay Madaxweyne Kiimiko, haatanna uu isaga xilka siiyay Mr Timo kala jeex.
Warar aan si hoose u helnay ayaa muujinaya in Khamiistii shalay wasiirka arrimaha gudaha uu la kulmay labada masuul ee talada isku haya waa madaxweyne Qeybdiid iyo Prof. Maxamuud Timo kala jeex, waxaana wasiirku isagoo matalaya dowladda Soomaaliya uu sheegay inuu safiir ka dhigi doono Mr Timo kala jeex hadii uu tanaasul sameeyo halka madaxweyne Qeybdiid xilkiisa loo sii deyn doono.
Waloow aanu wali helin go’aan kama dambeys ah oo ay labada dhinac gaareen hadana waxaa dowladda dhexe ay isku dayaysaa in si hoose ay u xalliso muranka u dhexeeya madaxda Galmudug.
Asalka Galmudug State.
Maamulka Galmudug waxaa la aas aasay sanadkii 2006, waxaana magaca maamulkaasi uu ka koobanyahay gobollada Galgaduud iyo Mudug oo iyagu ah laba gobol oo ku yaal bartamaha dalka Soomaaliya.
Magaala madaxda maamulku waa Gaalkacyo oo 750 Km u jirta magaalooyinka Muqdisho oo caasimadda dalka Soomaaliya ah iyo Boosaaso, Hargeysa iyo Harar oo ka tirsan Ethiopia laakiin kamid ah dhulka Soomaaliya ka maqan.
Bishii August 14-keedii sanadkii 2006 ayaa Mohamed Warsame Ali ‘Kiimiko’loo doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Galmudug, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee hogaamiya maamulkaasi.
Galmudug waxay halis ugu jirtaa burcad badeedda waxayna markasta la dagaallantaa kooxaha shufta badeedda Soomaalida oo iyagu ku xoogan xeebaha ku teedsan dhulka maamulku uu ka taliyo.
Info@salaamanews.com





![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






