Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Duqeymaha diyaaradaha aan cidina wadin “Drones” oo daciifiyay awoodda Al-qaacidda

(Salaamanews)-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo jawaab ka ah weerarrada argagaxisadu ay ku heyso dunida, ayaa waxaa ay kordhinayaan beegsiga hogaamiyeyaasha Al-qaacidda, waxaana 24-saac gudahood weerarro lagu dilay hogaamiyeyaal Al-qaacidda ka tirsani ay ka dhaceen wadamada Pakistan iyo Yemen.

Duqeyn xooganeyd oo Khamiistii shalay waqti duhur ah ka dhacday wadanka Pakistan gaar ahan gobollada ku teedsan xadka Afghanistan, ayaa la sheegay in Mareykanku uu ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taliban, iyadoo isla weerarkaasina ay ku dhinteen sagaal kale oo ka tirsan xoogaga hubeysan.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka oo ka qeyb qaatay weerarka lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-qaacidda ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay Mullah Nazir, oo ah hogaamiyaha labaad ee kooxda Taliban.

Duqeynta oo meelo kala duwan ka dhacday ayaa la sheegay in ay ku dhinteen madax muhiim u aheyd hogaanka kooxda islaamiga ah ee Taliban, waxaana la sheegay in lix ruux ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday koofurta gobolka Waziristan, halka seddex kale ay ku dhinteen waqooyiga gobolkaasi.

Ragga weerarka lagu dilay oo ka koobnaa 9-sarkaal iyo hogaamiyahoodii Mullah Nazir, ayaa la sheegay inay kulan ka yeelanayeen sida iskaashi weerarro cusub ay u fulin lahaayeen islaamiyiinta Taliban iyo Xaqaani oo ka dagaallama Pakistan iyo Afghanistan.

Dhanka kale doqeyn kale oo ay diyaaradaha drones-ka ah ka fuliyeen dalka Yemen, ayaa la sheegay in lagu dilay hogaamiye ka tirsana Al-qaacidada gacanka carabta, oo lagu magacaabi jiray Moqbel Ebad Al Zawbah, waxaana weerarkaasi ku dhintay laba sarkaal oo kale.

Sirdoonka Mareykanka oo kaashanaya laamaha amaanka dalka Yemen, ayaa la sheegay In weerarkaasi ay fuliyeen, waxaana raggan lagu dilay, iyagoo ku jira gaarigooda oo marayay gobolka Bayda ee wadanka Yemen.

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka warbixin ay ku xaqiijinayaan dilka xubnaha Al-qaacidda ayaa soo muujisay in weerarka uu ahaa midkii ugu farsamada wanaagsanaa tan iyo howlgalka Al-qaacidda markuu ka billowday dalka Yemen.

Madaxweynaha Yemen, Cabdurabuh Mansor Al-hadi, ayaa soo dhaweeyay weerarkaan duqeynta ah oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliya la’aanta ah ee Mareykanka leeyahay, wuxuuna ku baaqay in la beegsado xubnaha Al-qaacidda ee ka dagaallama wadankiisa.

Washington, ayaa ku dadaalaysa in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto Al-qaacida, iyadoona sanadihii ugu dambeyey xoojisay weerarada diyaaraha aan cidina wadin ka fulinayaan wadamada ay Al-qaacidu ku dagaalanto.

Wadamada la sheego in mustaqbalka ay saameyn ku yeelan doonto Al-qaacidda oo ay ka sii jiri-karto nus qarniga soo socda waxaa kamid ah, Afghanistan, Pakistan, Yemen, Somalia, Syria, Mali, Maroco, Shiishaan, Lubnaan iyo Falastiin.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu qabaa in Al-qaacidda ay isku dayayso inay saameyso aduunka oo dhan, wuxuuna sheegay in siyaasadda Mareykanka mid u dhiganta tan ay kooxdu la soo baxeyso.

Soomaaliya, waxay kamid tahay wadamada ay ka jiraan laamaha Al-qaacidda, waxaana kooxda Al-shabaab oo horraantii sanadkii hore ku biirtay ururka Al-qaacidda loo diiwan galiyay inay kamid tahay liiska madoow ee Mareykanka.

Salaamanaews

Baghdad, Ciraq

Info@salaamanews.com

Tags: ,
Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal