(Salaamanews)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso weerar gaadmo ah oo ay kooxda Al-shabaab ku qaaday kolonyo galbinayay wafdiga wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C.kariin Xuseen Guuleed oo Axadii shalayna la weeraray isla wafdigaasi oo ku sii jeeday magaalada Marko iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu Salaamanews u xaqiijiyay taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose.
Saraakiil aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in weerarka uu ka dhashay qasaaro labada dhinac soo kala gaaray waxaana jira warar sheegaya in khasaaruhu uu intaasi ka sii badan karo.
Weerarka dhaba galka ahaa ayaa waxaa la sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka geysatay deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dhaawacyada askarta dowladda loo qaaday cisbitaalka magaalada Marko.
Dhaqaatiir cisbitaalka Marko joogta ayaa noo sheegay in la soo gaarsiiyay dhaawacyada lix ruux taasoo muujineyso in khasaaraha gaaray dowladda uu ka sii badan karo tirade ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Waxaa halis weerarkaasi ku galay inuu ku dhinto taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya mudane Shariif Shiikhunaa Maye, oo noo xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray laakiin isaga iyo ciidankiisiiba ay iska caabiyeen kooxda Al-shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa u sheegay warbaahinta in ilaaladii wafdiga iyo Al-Shabaab uu dhex maray dagaal muddo labaatan daqiiqo ah socday.
Kooxda Al-shabaab ayaana weerarkan wali ka hadal lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray, laakiin dad deegaanka ah oo aan la hadalnay waxay xaqiijiyeen in dhaawacyo iyo dhimasho Al-shabaab ay leeyihiin laga dareemay gobolka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa markiisii labaad lagu weeraray gobolka Shabeellaha hoose, waxaana uu noqonayaa wasiirkii ugu horreeyay oo ay kooxda Al-shabaab isku daydo in ay khaarijiso waloo ay ku guul darreysatay.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.comĀ




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






