(Salaamanews)-Fannaanka caanka ah ee reer Djibouti Farxaan Xiddig ayaa Isniinta maanta ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen madaxda gobolka Banaadir iyo fannaaniin Soomaaliyeed.
Fannaan Xidig, ayaa markuu Muqdisho ka soo degay kadib wuxuu qaaday hees uu ku weyneynayo magaalada madaxda dalka Soomaaliya, ee Muqdisho, wuxuuna safarkiisa ku micneeyay mid niyad dhis u noqonaysa u madda Soomaaliyeed.
Mr. Xiddig ayaa sheegay inuusan soo koobi karin farxadiisa ku aadan booqashada uu ku yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu sii gaari doono magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaaasoo ay joogaan ciidamo ka socda Jamhuuriyadda Djibouti.
Imaatinka fannaankan caanka ah ee reer Djibouti iyo booqashada fannaan ka soo horreeyayba waxay muujineysaa isbadalka ka dhacayo Muqdisho, waloow uu burbursanyahay dhismaha golaha murtida iyo madadaalada ee the national theater.





![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






