(Salaamanews)-Fannaaniinta kala ah Khaalid Shariif Axmed (King Khalid) , C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeer Cajame,ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Fannaaniintan oo u casuuman hey’adda wada hadalka bulshada ee (CCD) ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxaana ay u mahadnaqaeen dadkii ku soo dhaweeyay garoonka Muqdisho, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin in dalkooda ay dib ugu soo laabtaan.
Qaar kamid ah fannaaninta ayaa ka mahadnaqay qaabka loo soo dhaweeyay fannaanka King Khalid oo kamid ahaa fanaaniinta hadashayna wuxuu sheegay in u jeedkoodu uu yahay in dadka Soomaaliyeed ay dareen siiyaan in dalku uu nabad noqday.
Mar uu ka hadlayay King Khalid qaabkii loogu soo dhoweeyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aanu hilmaami doonin sida loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inta ay joogaan dalkooda hooyo inay soo bandhigi doonaan heesihii looga bartay.
Soo dhaweynta fannaaniinta waxaa ka qeyb qaatay madaxda dowladda gaar ahaan masuuliyiinta gobolka Banaadir, iyagoo muujiyay farxadda ay dalkooda u qabaan.
Fanaaniinta ku nool qurbaha ayaa bilihii u dambeeyay soo booqanayay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka mid ahaayeen Fanaaniinta yimid Fanaanka Jooqle Shire Jaamac iyo Fanaanada Seynab Laba-dhagax oo labo jeer Muqdisho timid.
Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa ballan qaaday inay dalka keeni doonto fanaaniinta magaca ku leh, si ay bulshada soomaaliyed ula qeybsadaan neecawda nabadeed ee soo bidhaamaya, horumarada iyo is bedelada dalka ka jira.
Horey waxaa Muqdisho u yimid fannaaniin caan ahaa sida Xuseen Shire Ciyaar jecel iyo kuwa kale kuwaasoo dhamaantoodba sheegay in dalkooda ay u soo noqdeen.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






