Tan iyo markii al-Shabaab laga saaray Muqdisho ee August 2011,ayaa shaqooyinka mar la mamnuucay,sida farshaxanka iyo ciyaaruhu, ay bilaabeen in ay magaalada ku soo noqdaan.
Xarunta farshaxanka ee Shik Shik, oo ka mid ah xarumaha ugu waawayn ee farshaxanka ee Muqdisho, ayaa la xidhay xiligii ay talinayeen Midowga Makamadaha Islaamiga ah iyo al-Shabaab, haddase ay dib u helay nolo cusub, taas oo calaamad u ah dib-u-soo kabashada dhaqanka xilli uu amaanka magaaladu soo hagaagayso.
Iyada oo uu aasaasay aabahood sannadkii 1960, ayaa xaruntan farshaxan hadda waxa wada leh shan walaalo ah kuwaas oo sameeya qaybo kala gaddisan oo farshaxan. Dukaanka oo ku yaalla isgoyska aadka u dadka iyo gawaadhida badan ee Kiiloomitir 4 ee Degmada Hodan ee Muqdisho, ayaa sida oo kale dadka siiya tababar dhinaca farshaxanka iyo naqshadaynta ah.
![Maxamed Xuseen Sidoow oo wax ka leh xarunta farshaxanka Shik Shik Arts oo baraya wiil yar masawir-gacmeedka. Iyada oo uu soo hagaagayo ammaanku Soomaaliya, ayaa Siidoow sheegayaa in farshaxankiina uu bilaabay in uu mar labaad dib u soo noolaado. [Ali Adam/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/somalia-mogadishu-arts.jpg)
Maxamed Xuseen Sidoow oo wax ka leh xarunta farshaxanka Shik Shik Arts oo baraya wiil yar masawir-gacmeedka. Iyada oo uu soo hagaagayo ammaanku Soomaaliya, ayaa Siidoow sheegayaa in farshaxankiina uu bilaabay in uu mar labaad dib u soo noolaado. [Ali Adam/Sabahi]
Sabahi: Maxay farshaxanka iyo sawiriddu ku biiriyaan dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya?
Maxamed Xuseen Siidoow: Farshaxanka iyo sawiriddu waa labada ugu muhiimsan taariikhda iyo dhaqanka sababta oo ah haddii ay labadaas horumar sameeyaan, markaa dhaqankuna horumar ayuu sameeyaa. Farshaxanka waxa uu ku barayaa wixii ay dadkii hore sameeyn jireen ama isticmaali jireen.
Farshaxanka aan samaynayno wuxuu xididada ku hayaa dhaqanka. Ayayday aabbe Faadumo Cabdow Saalax waxay ahayd farshxan waxayna bartay aabahay. Ayayday waxay samaysay waxyaabo kala gadisan oo farshaxan ah, sida dharkii aan xidhan jirnay markii aan yar yarayn. Waxay noo samaysay funaanado iyo koofiyado ay gacanteeda ku samaysay. Waxaan dhihi karaa farshaxankan waxaan ka dhaxallay ayeeyaday Faadumo.
Sabahi: Goorma ayaad la wareegtay ganacsiga aabahaa?
Siidow: Aabahay wuxuu Muqdisho ka tagay badhtamihii 2006-dii. Dhabtii waxan ganacsiga la wareegnay xilligaa ka hor, markii uu aabaheen soo gaboobayay, laakiinse wali dusha ayuu kala socdaa shaqeedeenna.
Sabahi: Markii laga reebo Farshaxanka Shik Shik, ma jiraan xarumo kale oo farshaxan Soomaaliya?
Siidow: Haa, waxaa jira xarumo farshaxan oo kale oo Muqdisho ku yaala oo ay leeyihiin dad uu aabahay wax baray. Waxaan rumaysnahay in farshaxanku Soomaaliya uu kor u kici doono hadii nabad la helo. Wax walba waxay ku xidhan yihiin nabada, farshaxana ma jiri karo nabad la’aan.
Sabahi: Xagee bay ka yimaadaan dalabaadkaaga farshaxan ee ugu badan?
![Xarunta farshaxanka ee Shik Shik ayaa shaqadan ku jirtay illaa 1960-kii, iyada oo ka samatabaxday cidhiidhigii ay ku hayeen Maxkamadaha Islaamiga iyo al-Shabaab. Milkiilayaasha xarunta ayaa hada qorshaynaya in ay xarun sadaxaad furtaan. [Ali Adam/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/shik-shik-arts.jpg)
Xarunta farshaxanka ee Shik Shik ayaa shaqadan ku jirtay illaa 1960-kii, iyada oo ka samatabaxday cidhiidhigii ay ku hayeen Maxkamadaha Islaamiga iyo al-Shabaab. Milkiilayaasha xarunta ayaa hada qorshaynaya in ay xarun sadaxaad furtaan. [Ali Adam/Sabahi]
Waxaa kale oo aan naqshadaynaa tabbeelayaasha dukaamada iyo funaanadaha ciyaaraha, koofiyadaha iyo dharka lagu daabacay calankeenna oo haweenka iyo raguba ay xidhaan. Waxaan kale oo aan samaynaa sawirrada farshaxannada hiddaha iyo dhaanka ee dadkeenna sida hubka oo kale (waramada, gaashaamada iyo leebabka), dharka hidaha iyo dhaqanka iyo waxyaabihii kale ee ay isticmaali jireen, iyo sida oo kale noocyo badan oo xayawaanka ah.
Sabahi: Ma qorshaynaysaa in aaad ballaadhisaan xarunta Shik Shik Arts mustaqbalka?
Siidow: Hadda waxaan ku shaqaynaa laba xrun magaalada Muqdisho, waxaanan doonaynaa in aan mid saddaxaad furno bilawga 2013-ka. Waxaan kale oo aan doonaynaa in aan farshaxankeenna horumarinno oo aan samayno buugaag xambaarsan farshaxannada hidaha Soomaaliya si ay jiilka cusub ay u helaan meel ay ka bartaan dhaqankooda.
Sabahi: Maxaa ku dhacay dukaankiina kadib markii ay dhacday dawladdii dhaxe ee Soomaaliya 1991-kii?
Siidow: Wuxuu soo maray wakhtiyo aad u adag, qof walbana wuu fahmi karaa dhibaatooyinka ka hor imaan kara qof ku dhex shaqaynayay dhibaatooyinkii ka socday Muqdisho iyada oo ayan jirin meel kale oo uu xittaa hal maalina aadi karo. Markaas, dukaanku ma ahayn sida uu hadda yahay; wuxuu ahaa mid aad u yar.
Mar marka qaarkood waxaan ku khasbanayn in aan sawirada ku samayno guryaheenna markii aan awoodi wayno in aan soo aadno dukaanka colaadda darteed. Mar jirin xili aan joojinnay in aan farshaxanka samayno. Waxaan ku shaqaynaynay xaalad kasta oo dhib oo jirtay, aabaheenna waligii wax aan farshaxan ahayn kama shaqaynin. Tani waa wixii uu yaqaanay iyada uun buuna ku dhaganaa.
Sabahi: Noo sheeg wakhtigii ugu xumaa ee aad la kulanto.
Siidow: Xaalad kasta waxay leedahay saamaynteeda, laakiinse tii ugu darnayd waxay ahay 2006-dii markii Midowga Maxkamadaha Islaamku ay qaybo badan oo wadanka ah xukumayeen, Muqdishana ay ka mid ahayd. Wakhtigaas, waxay nagu amreen in aan xidhno xarunta Farshaxanka ee Shik Shik, waxayna noo sheegeen in sawirada aan samayno ay danbi yihiin Islaamkuna xaaraantimeeyay.
Sabahi: Maxaad samayseen?
Siidow: Marka aan leeyahay xarunta Shik Shik waa la xidhay, ma aha in gabi ahaanba xarunta albaabadeedii la xidhay. Waxaa nalaga mamnuucay in aan wax sawirno, taas badalkeedii waxaan qori jirnay tableelayaasha waddooyinka yo tabeelayaasha dukaamada.
Sabahi: Goorma ayaad dib u bilawdeen sawirka?
Siidow: Waxaan dib u bilawnay in aan samayno farshaxankii caadiga ahaa bilawgii 2007-dii markii Maxkamadaha Islaamka la saaray ayna ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dawladda ku meel gaadhka ay yimaadeen.
Sabahi: Maxaa idinku kallifay in aad wadanka joogtaan xiligii dagaalka?
Siidow: Ilaahay ayaa go’aaminaya qofkii baxaya, aabaheenna waxa uu sabab u ahaa in aan waddanka joogno. Wuxuu nagu dhiirri-galiyay in aan farshaxanka sii wadno waddankana aan joogno.
Dhalinyarada Soomaaliya waxa la kulmeen dhibaatooyin badan markay isku dayeen in ay dibadda aadaan. Waxay ku dhintaan badaha maalin walba. Marka aan arrintaas niyada ku hayna, waxay noqon lahayd arrin aad u xun in aan nafteena u baylihinno dhibaatooyinkaas oo dhan.
Sabahi: Sideed u aragtaa xaaladda ay hadda Muqdisho ku sugan tahay?
Siidow: Xaaladda Muqdisho way soo hagaagaysaa maalinba maalinta ka danbaysa. Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay xukuumadda cusub, waxaan rajaynayaa in ay wax badan ka qaban doonto xaaladda ammaanka ayna dib u noolayn doonto adeegyadii guud.
Waxaa qoray Cali Aadam oo Muqdisho jooga
Isha: Sabahi



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






