Salaamanews

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded
(Salaamanews)-Deputy President William Ruto said the instability in Somalia is piling pressure on Kenya’s security situation.

According to Kenya’s Standard newspaper, he spoke when he met Congo Brazzaville President Denis Sassou Nguesso and his Gabon counterpart Ali Bongo separately in their respective countries.

The leaders talked about the need to expand the African Union forces in Mogadishu to ensure the Horn of Africa country was stable.

“We need to stabilize Somalia fully because the continued absence of a stable government is piling a lot pressure on Kenya,” Mr Ruto said.

Kenya, he added, was facing challenges in respect to hosting a big number of refugees and terrorist attacks from the Al Shabaab.

Presidents Nguesso and Bongo respectively congratulated the Jubilee Government for winning the elections saying their governments will collaborate with Kenya on the issue of supporting the Africa Union (AU).

They supported a proposal that AU should give enough resources and personnel to stabilise Somalia so that refugees can relocate back to their country for Kenya to mange its security issues without external pressure.

The Deputy President while briefing the two leaders on Kenya’s role in ensuring peace in the region observed.

“The Somalia problem has compounded insecurity in Kenya with frequent attacks by the Al Shaabab and proliferation of small arms.”

The three countries also agreed to set up a climate change secretariat considering Congo and Gabon lie on the Congo Basin where there is the amazon.

Kenya wants the Amison troops in Somalia expanded

Deputy President William Ruto said the instability in Somalia is piling pressure on Kenya’s security situation.

According to Kenya’s Standard newspaper, he spoke when he met Congo Brazzaville President Denis Sassou Nguesso and his Gabon counterpart Ali Bongo separately in their respective countries.

The leaders talked about the need to expand the African Union forces in Mogadishu to ensure the Horn of Africa country was stable.

“We need to stabilize Somalia fully because the continued absence of a stable government is piling a lot pressure on Kenya,” Mr Ruto said.

Kenya, he added, was facing challenges in respect to hosting a big number of refugees and terrorist attacks from the Al Shabaab.

Presidents Nguesso and Bongo respectively congratulated the Jubilee Government for winning the elections saying their governments will collaborate with Kenya on the issue of supporting the Africa Union (AU).

They supported a proposal that AU should give enough resources and personnel to stabilise Somalia so that refugees can relocate back to their country for Kenya to mange its security issues without external pressure.

The Deputy President while briefing the two leaders on Kenya’s role in ensuring peace in the region observed.

“The Somalia problem has compounded insecurity in Kenya with frequent attacks by the Al Shaabab and proliferation of small arms.”

The three countries also agreed to set up a climate change secretariat considering Congo and Gabon lie on the Congo Basin where there is the amazon.

Source: Agencies

SOMALIA: Amisom is vigilant against more terrorist attacks, says spokesman

SOMALIA: Djibouti to deploy additional troops into Somalia

Uhuru gets down to work, meets Somali leader

Somalia Names Members of New Parliament

Dadaab refugees ready to head home — if security, governance improve

Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland
(Salaamanews)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay arrimaha ka taagan Jubooyinka iyo Somaliland iyadoo maanta ay u dabaal degeyso sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka jeediyay Munaasabad uu xariga kaga jarayay Xarun Agoonta lagu xanaaneeyo oo ay hirgelisay Hey’ad ka tirsan dowladda Turkiga oo ku taal duleedka degmada Wadajir ayaa waxaa uu sheegay in arrimaha Kismaayo ka jira ay yihiin wixii ay in muddo ah ka digayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sharci daro ku tilmaamay maamuladii halkaas laga magacaabay, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay mar kale wixii dadaalo ah gacan ka geysato.

Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Jubooyinka ay yihiin dad nabadeed, isagoo ku baaqay in aan wax colaad ah la gelin, sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda wafdi ay ku jiraan saraakiil u dirtay si ay aanay wax colaad ah uga dhigin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM ay kala hadleen in aanay wax lug ah ku yeelan arrimaha xiisadaha ee ka taagan Kismaayo.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arrimaha federaalka ayuu waxaa uu meel isaga riixay in dowladda aanay dooneyn federaalismka, hadalkaas uu yahay mid war xumo tashiil ah, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in aan lagu deg degin arrimaha federaalka, hadii kale ay fashil keeni doonto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii cadiifad laga tago, waxaana uu ku tilmaamay shacabka reer Somaliland inay yihiin shacab aad u wanaagsan, isla markaana dowladda waxba ka hagran doonin, waxaa uu xusay in qiimo kasta ha ugu kacdee inay ka shaqeyn doonaan sidii dadka Soomaaliyed midnimadooda loo soo celin lahaa.

Salaamanews, Muqdisho

Info@salaamanews.com

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay suuq xumida Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday inuu deg-deg ugu yimaaddo wasiir Fiqi

Soomaaliya oo daris la ah cudurro ka dhashay biyo xumo iyadoo adduunku uu xusayo maalinta biyaha

Madaxweynaha Somaliland oo jawaab culus ka bixiyay rabshadihii ka dhashay natiijada doorashada

Siyaasiga Yuusuf Xasan oo helay kursiga Kamukunji

Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD
(Salaamanews)-Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, iyadoo wafdigan ay kulamo la qaadanayaan odayaasha dhaqanka iyo maamulada iska soo horjeeda.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin iyo Saraakiil kale, iyadoo wada hadalo kula yeeshay jaamacada Kismaayo Axmed Madoobe oo 15-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga IGAD ay hordhigeen Axmed Madoobe inuu xiisada dejiyo, isla markaana waxay ugu baaqeen in xasilooni la muujiyo.

Sidoo kale waxay la kulmeen odayaashii dhaqanka ee soo doortay Axmed Madoobe, iyagoo dhankooda ka codsaday inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka.

Wafdiga ayaa sidoo kale haatan kulan kula leh Garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigii ay dowladda u dirtay magaalada, iyagoo ka wada hadlay xaalada Kismaayo iyo xalka la doonayo in loo helo xaalada murugsan ee magaalada ka jirta.

Shalay ayay aheyd markii wafdigan IGAD ka socday ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Saacid, iyagoo kala hadlay xaalada Jubooyinka.

Ammaanka magaalada oo laga deyriyey.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qof rayid ah la dilay, afar kalena la dhaawacay kaddib markii askari ka tirsan ciidanka jooga magaalada uu rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka suuqa Via Afmadow ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ee Kismaayo ayaa isla markiiba gacanta ku dhigay askariga falka geystay, ilaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ee uu u weeraray dadka rayid ah.

Dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, sida uu SN u xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalka oo codsaday inaan la xusin magaciisa.

Weerarka ayaa imaanaya iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin wafdi ka socda urur-goboleedka IGAD oo u kuur-galaya xaaladda magaalada.

Salaamanews, Kismaayo

Info@salaamanews.com

Puntland oo furtay xarun dalxiis (Sawirro)

Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiis horu-dhac ah ku gaaray Turkiga

Puntland oo aqoonsiga Mareykanka guul ku tilmaantay

Muqdisho: Wax soo saarka beeraha oo laga dooday

Ra’isal wasaare Shirdoon oo Gaalkacyo kula kulmay madaxda Gal-mudug State

Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May
(Salaamanews)-Dabaal dega sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegatay markii Somaliland ku dhawaaqday inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale ayaa saaka ka bilaabatay magaalooyinka Somaliland.

Kumanaan dadweyne ayaa saaka isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka Somaliland, iyagoo ku labisnaa dharka calanka, waxaana munaasabadan dabaal dega ee 18-ka May ay ka bedelan tahay kuwii hore.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa ka qeyb qaadanaya dabaal degan, iyagoo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaya, waxaa wehliya Ardayda Iskuulada oo si saf ah wadooyinka u maraya.

Dabaal degyada ayaa waxay ka socdaan magaalada Hargeysa iyo Burco oo aheyd halkii laga iclaamiyay in Somaliland ay noqoto dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa khudbado ka jeediyay munaasabadahan ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Dabaal degan 18-ka May ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Somaliland xilligan siyaasadeeda arrimaha dibada ay mugdi gashay, isla markaana dhowaan diiday ka qeyb galka shirkii London, iyadoo wali aanay aqoonsi helin.

Salaamanews, Somaliland

Info@salaamanews.com

Marwo Fowsiyo oo London kula kulantay xoghayaha arrimaha dibadda Britain

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay suuq xumida Soomaaliya

Maxay Puntland u diiday Shirka London ee ku saabsan Soomaalida?

London: Madaxda caalamka iyo Madaxweyne Maxamuud oo ka hadlay Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweyne Siilaanyo “Shirka London kuma deg degeyno”

AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto
(Salaamanews)-Taliska ciidamada AMISOM ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamulada iska soo horjeeda ee laga dhisayo magaalada Kismaayo, maalmo kadib markii ay soo baxeen Madaxweynayaal iskood is magacaabay iyo kuwo loo doortay.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay si dhow u eegayaan xaalada Kismaayo iyo arrimaha ka taagan.

“Arrinta Kismaayo si dhow ayaa u eegeynaa, isha ugu heynaa, arrimaha ka taagan, hadii ay dhacdo dhibaato waxaa diyaar u nahay inaan dhex galno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Soomaaliya.

Maamulada is bar bar yaaca ee Kismaayo looga dhawaaqayay ayaa murjiyay xaalada siyaasadeed ee deegaanada, iyadoo hadba shaqsi gurbaan loogu tumayo magaalada, waxaana jirta cabsi laga qabo inay isku dhacyo dhex maraan dhinacyada isku haya magaalada.

Kenya oo isku fidineysa Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Willaim Ruto ayaa sheegay in xasillooni la’aanta ka jirta Soomaaliya ay saameyn ku yeelaneyso xaaladda ammaanka ee dalka Kenya.

Ruto ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxweynayaasha dalka Congo Brazzaville Denis Sassou Nguesso iyo kan dalka Gabon Ali Bongo.

Hoggaamiyayaasha ayaa ka hadlay baahida loo qabo ballaarinta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya si loo soo celiyo deganaanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa  u gudbiyay dhambaal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Kenya madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan.

Dhambaalka ayaa lagu sheegay in Nigeria looga baahan yahay in ay door firfircoon ka qaadato dadaalka Afrika ay ugu jirto xalinta dhibaatada Soomaaliya.

Salaamanews, Muqdisho

Info@salaamanews.com

AMISOM oo xaqiijisay in ciidamada Sierra Leone ay u soo tallaabeen dhinaca Soomaaliya

AMISOM oo maamulka Kismaayo ka hadashay

Amisom oo Baareyso  Xasuuq lagu eedeyay inay ka geysatay Koofurta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay suuq xumida Soomaaliya

Ururka al-Shabaab oo bog cusub ka furtay Twitter-ka (sabab)

Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro
(Salaamanews)-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa naqdiyay awaamiirta Hogaamiyaha Shabaab, isagoo ku tilmaamay nin keli talis ah oo maroorsaday awooda maamulka.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Chanel ayuu mar kale dab ku sii shiday khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Saraakiisha sar sare ee Shabaab, isagoo ku baaqay in loo baahan yahay in hogaanka dib loogu celiyo shacabka.

“Qaab Keli telisnimo ayuu u dhaqmayaa, hadii wax qaldamaan inaan ka ceshano, anaga shacabkaan xilka u qaadnay, waa inaan dib ugu soo celinaa”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Mar la weydiiyay in la dilay Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo in kale ayuu sheegay inuu mar dhow ka bad baaday isku day dil, lana dhaawacay, balse uu nool yahay.

“Ninkaas waa nool yahay, hadii uu eed sheegtay oo uu afka ka hadlay, gaalnimada ku hadlin ma ahan in la dilo, mar baa la dhaawacay, hada waxaa aaminsanahay in la raadsanayo, waana waxa aan ka qeylineyno”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ka digay dhiiga dadka Muslimiinta oo uu xusay in si qaldan loo daadiyo, isagoo xusay in culumo badan ay ku waayeen.

Mar la weydiiyay in cabasho ka gudbiyeen Hogaamiyaha Shabaab Abuu Zubeyr, ayuu xusay inay jiraan dad cabashadaas ka gudbiyay, oo uu tilmaamay in wax lagu saxayo, waxaana uu tibaaxay hadii qaladka jira la xalin ay noqoneyso in sidii Jazaa’ir wax ku dhacay uu Jihaadka u baabi’i doono sida uu yiri.

Sheekh Xasan Dahir ayaa si aan gambasho laheyn u weeraray Hogaamiyaha Shabaab, iyadoo hadaladiisa laga dareemayay sida uu uga careysan yahay hab dhaqanka Hogaamiyaha Shabaab.

Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa dhowaan bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigay in la isku dayay in la dilo, isla markaana uu ka bad baaday, isagoo sawir muujinayay dhaawac dhuunta ka gaaray soo bandhigay.

Khilaafka hogaanka Shabaab u dhaxeeya ayaa u muuqda mid heerkii u sareeyay gaaraya, markii warbaahinta qeybaheeda kala duwan ay isu adeegsadaan hadalo lidi ku ahaa oo aanay horay looga baran.

Salaamanews, Muqdisho

Info@salaamanews.com

Warar  ka soo baxaya dagaalada gobolka Jubbada hoose

Kooxda Shabaab oo gobollada dalka dhibaato ka geysatay

Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay labo ka tirsan muwaadiniintiisa taageerta al-Shabaab

Ra’isal wasaare Shirdoon oo la kulmay dhigiisa Ethiopia

Rag lala xiriiriyay al-Shabaab oo lagu xukumay Puntland

Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland
(Salaamanews)-Hogaamiyaha malleeyshiyada Raas Kambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay maxadwaynahamaamul-gobaleedka Jubbaland ee lagu dhawaaqay Arbacadii (15-kii Maajo), laakiinse wax yar xilligaa kadib ayaa odayaal kale oo dhaqan waxa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Barre Aadan Shire Hiiraale uu yahay madaxweyne.

Kismaayo oo ah meesha labada hogaamiye “lagu doortay”, ayay xaaladdu deggan tahay laakiinse waxa jira kacsanaan, iyada oo dadka degaanka ay AFP u sheegeen in maleeshiyaadka qabaa’ilku ay adkayanayaan dhufaysayadooda ay ku leeyihiin daafaha magaalada.

Guddoomiyaha gudiga diyaarinta shirka dhismaha Jubbaland Macalin Maxamed ayaa sheegay in ergooyinkii 500 ee soo xaadiray, ay 485 u codeeyeen Madoobe, 10 ay ka horjeesteen, shanna ay ka aamustay. Madoobe iyo hoggaamiyayaasha maxaliga ee Hilowle Adam Maxamed iyo Maxamed Nuur ayaa dhammaantood u taagnaa madaxwaynanimada, laakiinse Maxamed iyo Nuur ayaa tanaasul sameeyay ka hor inta ayan codeeyntu bilaaban, ayuu sheegay guddoomiyaha.

Maamulka soo socda ee Jubbaland ayaa xukumi doona goballada Jubada Hoose, Jubada Dhaxe iyo Gedo.

Madaxwaynaha maamul-gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo dhaweeyay doorashada Madoobe, oo ka soo jeeda qabiilka Ogaadeen, kana codsaday xukuumadda faderaalka ah, IGAD iyo beesha caalamkaba in ay taageeraan. Puntland ayaa si cad u taageertay shirka Jubbaland uga socda Jaamacada Kismaayo.

Hogaamiyaha malleeyshiyada Raas Kambooni Axmed Maxamed Madoobe oo ka hadllaya kulan dhacay Kismaayo 28-kii February 2013-kii intii uu lagu jiray dhismaha Maamul-gobleedka Jubbaland. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

Saacado kadib guushii Madoobe, ayaa si kastaba ha ahaatee, Wasiirkii hore ee Difaaca Hiiraale, oo ka soo jeeda qabiilka Mareexaan, waxa uu ku dhawaaqay in uu madaxweynenimada ku guuleeystay doorasho taa da duwan oo ay qabteen 600 oo taagerayaashiisa ah.

“Waxaa duqayda Jubbaland ay ii magacaabeen madaxweyne… waxaan dadka ka codsanayaa in ay taageeraan madaxweynanimadayda si aan nabad u keeno,” ayuu yiri Hiiraale sida ay warisay AFP.

“Shirka aniga la igu magacaabay waxaa soo abaabulay iskana leh dadka… hlaka shirka kalana ay soo abaabushay dabadana ay ka waddo Kenya,” ayuu yidhi, isaga oo dadkana ka codsaday “in ay hubka iska dhigaan gobalka dhistaankiisana ay ka qayb-qaataan”.

Xildhibaanka Soomaaliga ah Sooyaan Cabdi Warsame, oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka, ayaa welwel ka muujiyay hadalka Hiiraale. Xukuumadda faderaalka ah ayaa tallaabo ka qaadi doonta qofkii isku daya in uu xasillooni darro ka abuuro Jubbaland taasoo qaby ka ah dadaal ku aaddan in laga fogaado colaad ka dhex dhacda qabaa’ilka maxalliga ah, ayuu u sheegay Shabakadda Wararka Shabeelle ee Soomaaliya.

Xukuumadda Faderaalka oo arinta miisaameeysa

Xukuumadda faderaalka Soomaaliya ayaa si joogta ah uga soo horjeedday shirka dhismaha Jubbaland ee ka socday Kismayo, iyada oo diiday in ay ergo u dirto.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in xaaladda hadda tagaan ee laba hoggaan oo iska soo horjeeda ay labaduba sheegaynayaan madaxweyne ay ahayd wixii xukuumadda faderaalka ah ay afartii bilood ee la soo dhaafay ka digaysay, Jawharta Soomaaliya ayaa sidaas warisay.

“Arin aad looga xumaado ayaa ka dhacday Kismaayo taas oo keeni karta qalalaase iyo xasilooni la’aan,” ayuu Guuleed ku yiri wariyayaasha. “Doorashada maamul-gobaleedyadu waxay ahayd in uu dastuurku hago kuna yimaadaan wadahadal.”

Wuxuu sheegay in marka hore laga sal-gaaro dhex-dhaxaadinta shacabka inta aan loo gudbin doorashooyinka madaxda gobalka ee cusub.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo sheegay in kaliya ay xukuumadda federaalka samayn karto maamulka gobaleedka Jubbaland, ayaa magacabaay gudi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno si ay u garwadeenno uga noqdaan heshiis la dhex dhigo madaxweynahayaasha tartamaya.

Guddigan oo 16 xubnood ka kooban, oo uu madax u yahay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed, ayaa la filayaa in uu dhawaan u safro Kismaayo.

Cusmaan Ibraahim Shabgani, oo ah duq ka soo jeeda gobalka, ayaa taxaddar ka muujiyay labada madaxwayne ee la doodtay ee laga yaabo in ay gobolka hoggaamiyaan.

“Labada nin ee is magacabay midna danta shacabka Jubbooyinka maskaxda kuma hayo. Xukuumadda faderaalka ah ayay waajib ku tahay in ay arrimaha Jubooyinka soo faragaliso,” ayuu u sheegay Sabahi. “Xubno dhawr qabiil ka tirsan oo aaday Kismaayo si ay uga qayb galaan arrimaha siyaasada ayaa loo diiday in ay magaalada galaan. Sidaas darteed, shirka Jubooyinku wuxuu ka soo horjeedaa xukuumadda sidaas darteedna uunan taageeri doonin wax walba oo la sameeyo oo xukuumadda looga soo horjeedo.

Xiisadda ayaa isa soo taraysa Kismaayo, iyada oo dadku ka cabsanayaan in uu dagaal ka dhax qarxi karo taageerayaasha labada nin. Xidhiidhka telefoonnada ayaa la soo sheegay in ay hawada ka maqnaayeen Arbacadii, iyada oo shacbku uusan dibada la hadli karin, laakiise xidhiidhkii ayaa dib u soo noqday Khamiistii.

Waxaa qoray Cabdi Macallin oo Muqdisho jooga

Isha: Salaamanews iyo Sabahionline

Maamulka cusub ee gobolka oo wax ka qabanaya darbi-jiifnimada Kisii

Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka

Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda

Soomaaliya oo horumarinaysa dib u dhiska ciidamada, balse caqabado ayaa wali jira

Tansaaniya oo isku diyaarisay in ay noqoto hoggaanka wax soo saarka macdanta yuraaniyamka

Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda
(Salaamanews)-Markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday Isniintii in ay isku diyaarinayso in ay la wareegto maamulka hawadeeda dhammaadka sanadkan, ayaa waxaa si weyn loogu ammanay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo qeyb ka ah guulaha ammaan iyo degganaan ee hore u socday.

Wax yar ka dib ku dhawaaqista, hase yeeshee, ayuu maamul goboleedka Somaliland ka carooday sida xukuumaadda federaalka iyo Qaramada Midoobaay ay isugu raaceen arrinta, waxa ayna ku jawaaben in ay ka mamnuucaan dhammaan duulimaadyada Qaramada Midoobay in ay ka duulaan, kana soo dagaan garoonka laga bilaabo Arbacada (Maajo 15-keeda).

Qaramada Midoobay ayaa mas’uliyadda maamulka hawada Soomaliya la wareegtay 19 sano ka hor ka dib burburkii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, 1996-diina Barnaamijka Horumaarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Ururka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Madaniga ah ayaa si wada jir ah u asaasay Maamulka Ilaalinta Diyaaradaha Madaniga ah ee Soomaaliya (CACAS) oo ay xaruntiisu tahay Nairobi si ay u ururiso dakhliga diyaaradaha dul mara Soomaaliya.

CACAS ayaa iyadoo Soomaaliya matalaysa waxa ay ururisay malaayiin doolar, ayuu yiri Cabdiraxmaan Saciid Aaden, oo ah agaasimihi hore ee waaxda maamulka ee Wasaradda Gaadiidka ee Soomaliya.

“Nasiib darro dhaqaalahan looma adeegsan horumarinta kaabayaasha iyo dayactirka eelaboorada, ama dhaqan galinta barnaamij tababar oo la siiyo shaqaalaha qaran ee Maamulka Madaniga ah ee Soomaaliya. Taa beddelkeeda, CACAS waxay isticmaalaaysay dhaqaalahaas,” ayuu Aaden u sheegay Sabahi.

Rakaab kasoo dagaya diyaaradda Jubba Airways, oo ah diyaaraddii ugu horreysay oo duulimaad ganacsi ka samaysa Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho 30-kii Luuliyo 2006-dii, ka dib 11 sano oo uu xirnaa. [Stringer/AFP]

Xukuumadihiii hore ee ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya ayaa isku dayay in ay dib u soo ceshadaan maamulka hawada dalka, balse CACAS ayaa ka war wareegaysay in ay maamulka ku wareejiso Somaaliya, ayuu yiri.

2010-kii, Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabadirashiid Cali Sharmarke ayaa codsi rasmi ah u diray Qaramada Midoobay, isagoo dalbanaya in dib loogu soo celiyo maamulka hawada Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 15 sano ah, ayuu Aaden yiri. Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo baddaley Sharmaake, ayaa isna isku dayey inuu maamulka hawada dalka dib u soo celiyo Abriil 2011-kii.

Labada codsiba ma guulaysan, laakiin, maxaa yeelay xukuumadihii hore ee kumeel gaarka ahaa ma aanay haysan aqoonsiga caalamiga ah iyo taagerada ay haysato xukumadda hadda jirta.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Isniintii ku dhawaaqay wadahadalada guulaystay ee xukuumadda ka dib kulan ay la yeesheen UNDP iyo CACAS.

In ka badan 100 qof oo ah shaqaalaha maamulka hawada ayaa laga soo rari doonaa Nairobi oo la keeni doonaa Muqdisho taas oo qeyb ka ah isku diyaarinta kala wareegga, shaqaale uu dalku leeyahayna waa la tababari doonaa inta ka harsan sanadka.

Diyaarad sidda xubno ka tirsan Ciidamada Bilayska Soomaaliya oo ka duulaysa Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee Muqdisho Janaayo 17-keadi, iyagoo saddex bilood oo tababar ah u aadaya Jabuuti. [Stuart Price/AU-UN IST/AFP]

“Maamulka Diyaaradaha Madaniga ah ee Soomaaliya iyo Hawo-aqoonta (SCAMA) ayaa diyaarin doona oo dooran doonta dad waxtar ah oo looga baahanyahay in ay howshan qabtaan taas oo muhiim u ah dalka iyo madaxbannaanidaba,” ayuu Sabahi u sheegay Cali Maxamuud Ibraahim oo ah maamulaha guud ee SCAMA.

“Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegi doonta maamulka hawada toddobo bilood gudahooda iyadoo hannaanka kala wareeggana uu ka bilaaban doono [Garoonka caalamiga ah ee] Jomo Kenyatta ee Nairobi illaa Garoonka Caalamiga ah [ee Aden Cadde] ee Muqdisho bilowga Juunyo si loo dhamaystiro dhammaadka sanadkan,” ayuu yiri Ibraahim.

Dhaqaaqan ayaa wiiqi kara wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland

Dhaqaaqa Soomaaliya ee la wareegidda mamulka buuxa ee hawadeeda waxa ay guul tariikhi ah u tahay dalka, ayuu yiri Mascuud Axmed Guuleed, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu uu Muqdisho yahay. Si walba oo ay ahaataba, waxa uu xukuumadda federaalka kaga digay in aysan ka xanaajin maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland.

“Waxaa loo baahanyahay in la qanciyo maamul goboleedyada sida Somaliland iyo Puntland maxaa yeelay waxa ay jaallayaal muhiim ah u yihiin hannaanka maamulka hawada dalka,” ayuu Guuled u sheegay Sabahi. “Haddi kale howshan waxa ay horseedi doontaa khilaaf dhex mara qeybaha Soomaaliya, waxayna noqon kartaa sababta guulaha laga garay wada xaajoodka [u dhaxeeya Soomaaliya iyo gobolka Somaliland] ay burburaan.”

Maamulka Somailand ayaa Talaadadii kaga jawaabay dhaqaaqa xukuumadda Soomaaliya in ay duulimaadya Qaramada Midoobay ka mamnuucaan in ay ka duulaan kana so dagaan garoomadooda.

“Tallaabadan waxa ay dhaawacaysaa wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. “Somaliland waa dowlad madax bannaan, sidaa daraadeed ma aqbali karto in xukuumadda Soomaaliya ay maamusho hawada Somaliland. Muqdisho nama xukunto, namana matasho.”

Somaliland ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday in ay Somaaliya ka madax bannaantahay 1991-dii, balse wax aqoonsi ah kama helin Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Hargeysa, ayuu Cabdi ku dhaleeceeyay UNDP in ayan dhex dhexaad ahayn oo ay la jirto Soomaliya, waxa uu CACAS ku eedeyay in ay qashaqashadayaan heshiiskii goor hore dhex maray Soomaaliya, UNDP iyo maamulka Somaliland.

“Qorshuhu waxa uu ahaa in wasiirrada duulimaadyada Somaliland iyo Soomaaliya ay Nairobi kula kulmaan Qaramada Midoobay bisha Juunyo si ay uga wada hadlaan cidda mas’uulka ka noqonaysa maamulka hawada,” ayuu Sabahi u sheegay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Dalal Faarax. “Nasiib darro, UNDP nagalama tashan go’aankan cusub, maxaa yeelaay heshiiska waxa uu ahaa in laga wada tashado waxa la isla leeyahay.”

Ibrahim, oo ah maamulaha guud ee Maamulka Duulimaadyada Madaniga ah iyo Hawo-aqoonta ee Somaaliya, ayaa diiday in uu ka hadlo go’aanka Somalilland.

“Ma doonayo in aan ka hadlo arrimo siyaasadaeed, balse waxaan jeclaan lahaa in qof walba uu ogaado in hawada ay leeyihiin dadka Somaaliyeed. Arrintan ma ahan mid siyaasadeed, waa adeeg, faa’iidadeedana waxa ay u soo laabanaysaa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxa ay leedahay toddobo garoon oo caalami ah oo ka howlgala Muqdisho, Kismaayo, Garoowe, Boosaaso, Berbera iyo Hargeysa, iyadoo 20 duulimaad ay maalin walba kasoo dagaan kana duulaan Muqdisho kaliya.

Waxaa qoray Majiid Axmed o Muqdisho jooga

Isha: Salaamanews iyo Sabahionline

Somaliland oo samaynaysa kayd biyo ah si ay u fududayso biyo yaraanta

Dadka Muqdisho oo feejigan kadib silsilado weerarro ah oo ay al-Shabaab gaysatay

Ololeeyayaasha xorriyadda saxaafadda oo ku baaqey in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii Somaliland

Maamulka cusub ee gobolka oo wax ka qabanaya darbi-jiifnimada Kisii

Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland

Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah
(Salaamanews)-Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa saacadihii u dambeeyay ka ambabaxay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo ciidamadan la sheegayo inay taageerayaan Col. Barre Hiiraale oo loo doortay Madaxweynaha Jubaland.

Afhayeen u hadlay Maamulka Gedo ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan doorashada Barre Hiiraale loo doortay Madaxweynaha Jubaland, isla markaana nasiib u yeeshay in mar kale noqdo hogaanka deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka baxay deegaanka Ceelwaaq iyo deegaano kale ay mareen deegaano ka tirsan Jubada Hoose, si ay ugu sii gudbaan magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa ah qeybtii labaad ciidamo horay u gaaray magaalada Kismaayo oo halkaas dowladda sheegtay in loo wareejiyay, waxayna ka tirsan yihiin Guutada labaad ee ciidamada xooga dalka.

Xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ayaa aheyd mid mudaba sii xoogeysaneysay, markii dhinacyada isku haya maamulka magaalada mid walba loo doortay Madaxweyne.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka cabsi qaba dagaalo lagu hoobta oo ka dhaca magaalada, mar hadii magaalada ka jirto saan saan colaadeed.

15-kii bishan ayay aheyd markii siyaabo kala duwan magaalada Kismaayo Madaxweynayaal loogu doortay Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale.

Salaamanews, Baydhaba

Info@salaamanews.com

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka oo ku dhaawacmay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay suuq xumida Soomaaliya

66 shirkadood oo isugu soo haray tartanka dib-u-dhiska Muqdisho

Shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u soo dhaweyey madaxweynahooda cusub Xassan Sheekh Maxamuud (Dhageyso codadkooda)

Dhagaxtuur “Taraafiko la’aan dalku ma hagaagayo”

Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada
(Salaamanews)-Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, oo ay dhowaan soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciil-mooge, oo warbaahinta la hadlay kulan ay yeesheen golaha wasiirada kadib, ayaa sheegay in sharcigaan oo qayb weyn ka qaadan doono wax ka qabashada falalka argagixisada iyo kooxaha ku lug leh weerarada argagixisada.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sidoo kale sheegay in sidoo kale golaha wasiirada ay maanta ansixiyeen hindiseyaal sharciyadeed oo gaaraya sided qayboo oo ay ka mid yihiin  Guddiga Dib-u-eegida iyo Hirgelinta Dastuurka,Xafiiska Gardoonka iyo Illaaliyaha Dadweynaha, Dhismaha Maxkamadda Dastuurka, Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Xaquuqda Aadanaha, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka dalka, Sharciga Arrimaha dibadda iyo Sharciga la dagaalanka argagixisada.

C/laahi Ciil-mooge, waxa uu sidoo kale sheegay in golaha wasiirada ay go’aansadeen in dib loo howl-galiyo wakaaladda howlaha maraakiibta iyo wakaaladda dekadaha.

Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan dhammaan sharciyadaan la horgeyn doono golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Salaamanews, Muqdisho

Info@salaamanews.com

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay suuq xumida Soomaaliya

Puntland oo furtay xarun dalxiis (Sawirro)

Ra’isal wasaare Shirdoon oo tagay xarumaha wasaaradaha qaar iyo xeryaha ciidamada

Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday inuu deg-deg ugu yimaaddo wasiir Fiqi

Al-Shabaab oo karaamo tiraya maydad iyada oo ciidamada huwantu ay ku soo dhawaanayaan Kismaayo