Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Fowziyo “U jeedkeennu waa inaan soo kabanno”

(Salaamanews)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay kulamadii Golaha Ammaanka uu ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

“Golaha Ammaanka kulamo la sameynay, si gaar gaar ah baan ula kulanay xubnaha Golaha ammaanka ilaa Ban Ki-moon, sidii cunaqabateynta hubka loo qaadi lahaa, waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysano arrimhaas”ayay tiri Fowziyo Yuusuf.

Sidoo kale Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ay wada hadaladooda sii socon doonaan ilaa 7-da Maarso, oo ay go’aan ka gaari doonaan arrimaha cunaqabateynta hubka ee saaran soomaaliya iyo sidii howl galka AMISOM loo kordhin lahaa.fow

Mar la weydiiyay go’aanka ay uga soo horjeesatay in Ciidamada Kenya loo sharciyeeyo dhanka badda si ay uga howl galaan, ayay sheegtay in in go’aankaas aanay waxba u dhimeyn xiriirka Kenya ay la leeyihiin, isla markaana ay abaal uga hayaan sida ay ciidamadooda ay dhiigooda ugu hureen.

Waxaa ay sheegtay in Golaha ammaanka ay hor dhigeen in Ciidamada Badda Soomaaliya la dhiso, si loola dagaalamo burcad badeedka, falalka amaan darida looga hortago.

“Kenya waa dowlad aan saaxibo aan nahay oo jaar ah, Ciidamadeeda waxay nala qeybsadeen dhiig badan oo daatay abaal baan u heynaa, guul weyn ayay gaareen, laakiin arrinta aan ka hadlay waa Ciidamada Soomaaliyed ee Badda in la dhiso, sida loo yiri ma ahan ee hadalada loo buun buuniyay”ayay tiri Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo xustay in Kenya ay xaq u leedahay in Ciidamadeeda ay dhisato.

Fowziyo Yuusuf ayaa Golaha Ammaanka ka sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay aqbaleyn in AMISOM loo sharciyeeyo howl galka dhinaca badda, taa bedelkeed la dhiso Ciidamada badda Soomaaliyed

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal