(Salaamanews)- Ciidamada Faransiiska oo watay shan diyaaradood ayaa weeraray kooxda al-Shabaaab fariisin ay ku laheyd magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, weerarkaasina waxaa ku dhintay 17-askari oo ka tirsan Shabaab iyo seddex muwaadin oo Faransiis ahaa.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa amar ku bixiyay adkaynta ammaanka meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan iyo goobaha gaadiidka laga raaco kaddib howlgalladii milateri ee ciidanka Faransiiska ay ka sameeyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.
Waxaa dib loo dhaqan-geliyay nidaamka feejignaanta ee lagaga hor-tago falalka argagaxisada ee loo yaqaanno “Vigipirate”, iyadoo Faransiiska uu ka walaacsan yahay inay Islaamiyiintu weerarro aargoosi ah ka geystaan gudaha dalka.
Labo askari oo Faransiis ah iyo la-hayste Faransiis ah ayaa habeenkii Jimcaha ku dhintay weerar fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo furto la-haystaha.
Ciidan si gaar ah u tababaran oo ay kaabayaan diyaarado helikobtarro ayaa weerar qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda al-Shabaab ay ku leedahay magaalada Buulo-Mareer oo ku dhowaad 30 km koonfur kaga beegan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kumaandooska Faransiiska ayaa doonayay inay xoog ku soo furtaan Denis Allex oo ka mid ahaa sirdoonka Faransiiska kaasoo lagu afduubtay Soomaaliya July 2009.
Salaamanews
Minneapolis, Minnesota
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






