(Salaamanews)-Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka wada hadlay iskaashi dhinaca amaanka ah oo ay wada yeeshaan labada maamul, waxaana Gaalkacyo ku kulmay madaxweynihii hore ee Puntland iyo madaxweynaha Galmudug.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayay ku kulmeen madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi, iyo madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxayna isla garteen in amaanka Gaalkacyo uu faraha ka sii baxayo.
Shirka jaraa’id ee labada dhinac ayaa lagu soo qaaday dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ay qodobadu ku qotomeen adkeynta amaanka iyo iskaashi maamuleed oo dhexmara maamullada Galmudug iyo Puntland.
Afhayeenka madaxtooyada maamulka Galmudug Cabdi Daahir Mire oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka labada dhinac ayaa sheegay in la isku afgartay in la iska kaashado ka hortegidda cid kasta oo wax u dhimmeysa nabadgelyada gobolka Mudug.
Kulanka looma oggoleyn warbaahinta, waxaana uu ahaa mid albaabada loo laabay, hasa ahaatee Jeneraal Cadde Muuse ayaa muddooyinkan waday dedaallo ku aaddan in dadka deggan gobolka Mudug ay nabad ku wada noolaadaan.
Salaamanews
Gaalkacyo, Mudug
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






