(Salaamanews)-Wararka ka imaanayo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ganacsiga uu maanta hakad galay kadib markii kooxda Al-shabaab ay lacag dheeraad ah dul dhigtay lacag baad ah oo ka dheeraad tii markii hore laga qaadan jiray.
Ganacsatada qaybaheeda kala duwan ayaa albaabada isugu dhuftay dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsi sida sayladaha xoolaha, iyadoo lagu soo warramayo in gaadiidka alaabaha ganacsi geeya Buula-burte aysan magaalada soo galin 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Ganacsatada dhibban qaarkood oo cabanaya ayaa noo xaqiijiyay in lagu laba laabay lacagtii ay bixin jireen oo ay si baad ah kaga qaadan jirtay kooxda Al-shabaab ee magaalada Buula-burte maamusha.
Gaadiidka alaabaha ganacsi sida oo markii hore laga qaadi jiray 3 milayn oo shilin-ka Soomaaliga ah hadda laga dalbay inay bixiyaan 6 milyan oo shilin, halka qiimaha xoolaha sida Ariga oo laga qaadi jiray 30 kun, Lo’da iyo Geela 100 kun hadda laga qaadayo 60 iyo 200 sida ay u kala horreeyaan.
Dhinaca kale, wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka gaystay gobolka Shabeellaha Dhexe uu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka gobolka, iyadoo la soo sheegayo in gawaari ganacsi iyo kuwo rakaab sida ay ku xayiran yihiin killinkia shiinaha ee gobolka.
Dadka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa wali cadaadis kala kulamaya dagaalyahanka Al-shabaab oo wali ku sugan deegaanno fara ku tiris ah oo ay dadku ku gumaadayaan.
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






