(Salaamanews)-Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa waxay kaga doodeen miisaaniyadda 2013 iyagoo isla soo qaaday hantida safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada Talyaaniga iyo Mareykanka.
Shirka waxaa gudoominayay ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna shirka gaba gabadiisa ka sheegay in wasiirradu ay isku raaceen qodobadii ay isla soo qaadeen kulanka maanta.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta qaranka, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013-ka, waxaana uu muujiyay in miisaaniyadda 75% ay ka imaan doonto dakhliga ay dowladdu ka sameyneyso gudaha dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa sheegay in dowladda cusub siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas.
Wuxuu amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ku amaanay sida geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid” wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas, isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal waara looga gaaro colaaddaas.
Miisaaniyaddan ay ansixiyeen golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa golaha baarlamaanka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan go’aanka ay ka qaadan doonaan.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






