Nuuna Ciise Haaruun waxay ku kortay guri ku yaala Degmada Wajeer ee Kenya, halkaas oo ay ahayd in uu shaahu mar walba diyaar u yahay martida.
Aabaheed, oo ahaa duq dhaqameed aad looga ixtiraami jiray xaafadda Buula Macow ee magaalada Wajeer, waxaa u imaan jiray marti badan oo soo salaamaysay, mar walba oo ay yimaadaanna waxay ahayd in la soo dhoweeyo oo shaah la siiyo.
“Shacabka Soomaaliya, koob shaah ah haddii aadan dadka ku soo dhawaynin waxay ka dhigan tahay inaad martida xumeeysay,” Haaruun oo 22 jir ah ayaa u sheegtay Sabahi. Markaas ayaan hooyaday ka bartay sida loo sameeyo shaaha kan ugu fiican, kaas oo ay martidu dib ugu soo noqon jireen iyaga oo iska dhigaya in ay aabahay soo booqanayaan.”
Markii aabaheed, oo ahaa qofkii reerkooda biilayay uu dhinatay Sebteembar 2011, qoyskeedii ayaa dhibaato soo food saartay. Dhawr bilood ka dib, duqaydii aabaheed saaxiibada la ahaa ayaa Haaruun ku yidhi waa inaad xirfadaada shaah karinta ganacsi u badasho.
“Waxay ahayd amaan inay duqaydu yidhaahdaan waxaan u hilawnay shaahaagii macaanaa,” ayay tidhi.
Markaas ka dib, qosku wuxuu bilaabay inuu ka fikiro qorshaha ganacsi. Haaruun iyo qoskeeda ayaa ogaaday in shaaha oo laga iibiyo dadka guryahooda wakhtiga shaqada ka tagaya ay tahay fursad laga faaiidaysan karo.
Janaayo 2012, ayay Haaruun qabsatay meel baabuur badan ay maraan oo ku taala dhinaca waddada Gaarisa-Wajeer waxayna bilawday in ay iibiso shaah ay soo karisay. Hal sano ka dib markii ay ganacsigan bilawday, waxay sheegtay in hooyadeed iyo afarteeda walaalaha ah uusan wax dhaqaale yari ah haysanin.
![Koox safar ah oo nasiino yar u qaadanaya shaah iyaga oo jooga Lafey, Degmada Mandheera. [Bosire Boniface/Sabahi]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/02/kenya-tea-business-300x199.jpg)
Koox safar ah oo nasiino yar u qaadanaya shaah iyaga oo jooga Lafey, Degmada Mandheera. [Bosire Boniface/Sabahi]
“Macaamiishayda caadiga ah waxay ahaayeen toban markii ugu horaysay een bilaabay, haddana waxay noqdeen in ka badan 100,” ayay tidhi. “Waxaan sameeyaa wax ka badan 40,000 oo shilin ($457) bishii, laakiin waxaan aqaan [ganacsato] kale oo intaas ka badan sameeya,” ayay tidhi.
Shaaha Soomaalida ayaa ah mid la carfiyay oo lagu daray hayl, dhaqa-yare, qorfe iyo geedo kulayl kale, sida caadiga ahna waxaa lagu daraa caano iyo sonkor.
Haaruun ayaa sheegtay qiimaha koobka shaaha in ay ku xidhan tahay xilliga markaas lagu jiro. “Xilliga roobka ee caanaha geela, adhiga iyo lo’du ay meel kasta yaalaan waxaan ka qaadnaa wax u dhigma 10 shillin ($.11) laakiin xilliga abaarta ah caanuhuna ay [qaaliga yihiin] koobka shaaha ah ayaa gaadha 30 shilin ($.34),” ayay tidhi.
Xaliima Cabdi Aadan, oo 31 jir ah dhawr dukaan oo shaaha lagu iibiyana ku leh wadada Wajeer-Mooyaale, ayaa sheegaysa in ganacsiga shaahu uu fiican yahay. Waxay shaaha ka iibisaa shaqaalaha ganacsiyada u dhaw dhaw, ururada iyo shaqaalaha dawladda.
“Waxaan heshiis la saxiixday laba hay’adood oon dawladda ahayn iyo qaybo xafiisyada dawladda ah si aan shaah ugu geeyo, waxayna bixiyaan bisha dhamaadkeeda,” Aadan ayaa u sheegtay Sabahi. “Waxaa kale oon shaaha kaga iibinaa dayn macaamiisheena rasmiga ah [markii aysan bixin karin].”
Aadan ayaa sheegtay in ganacsigeedu uu koray haddana ay u shaqeeyaan saddex qof oo ku kaalmeeya in shaaha ay meelo geeyaan. Waxay guusheeda u celinaysaa khidmada fiican ee macaamiisheeda ay siiso iyo shaaha tayada fiican ee macaamiisheedu ay ka cabaan.
Iibinta shaaha wuxuu fursad u siiyay in ay taageerto qoyskeeda afarta ka kooban, ayay tidhi.
Wakhti walba waa wakhti shaah
Saynab Sheekh Maxamed, oo ah madaxa Golaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayaa u sheegtay Sabahi in haweenka shacabka Soomaalida ay si xirfad leh u adeegsanayaan dhaqanka cabitaanka shaaha si ay u gaadhaan madax banaani dhaqaale.
“Ganacsigan ayaa aad u kordhay labadii sano ee la soo dhaafay. Haweenka ayaa ogaaday in ay ka faaiidaysan karaan dhaqankan wanaagsan si ay dakhli u sameeyaayn,” ayay tidhi. “Gobalkan, wakhti kasta waa wakhti shaah. Inkastoo uu kulayku sareeyo halkan, waa shay iska caadi ah in aad aragto dad koob shaah ah oo kulul cabaya duhurkii.”
Warka ganacsigan cusub ayaa ku faafay tuulooyinka fog fog, hadda waxaad dukaamada shaaha lagu iibiyo ku arki kartaa waddooyinka baabuurtu isku badalaan illaa meelaha baadiyaha ah oo ay haweenku yool ka dhigtaan dadka musaafiriinta ah, ayay tidhi.
“Ma hayno tirada dhabta ah ee haweenka ganacsigan ku jira, laakiin waddooyinka iyo luuq luuqyada magaalooyinka waawayn ee Gobalka Waqooyi Bari waxaa xad dhaafiyay dad shaah iibinaya iyo macaamiil shaah cabaya,” ayay tidhi, iyada oo intaas ku dartay in ganacsiga shaahu uu yahay fursad fiican sababta oo ah lacag badan oo lagu bilaabo looma baahna.
Dhaqanka shaaha oo nabada kobcinaya
Isku dubbaridaha Hay’adda Nabadda iyo Horumarka Wajeer Xasan Aadan Maxamuud ayaa u sheegay Sabahi in dhaqanka shaah cabka ee soo jireenka ah uu kaalmeeyay wada noolaanshaha ka dhaxaysa kooxaha qabaailka is haysta.
“Dhaqanka shaah cabku wuxuu ka gudbaa caqabadaha qabiilka, bulshada, siyaasadda iyo aqoonta. Dadka madaxda ah ama lacagta leh ayaa iyaga oo is dhinac fadhiya shaaha la cabaya dadka aan aqoonta lahayn,” ayuu yidhi.
Wuxuu sheegay in dhaqanka shaaha loo arko in uu yahay habka ugu fiican ee martidu ay ku dareemayso in la soo dhoweeyay, iyo markii dood adag ama is fahan la’aan ay dhacdo ka dib, koob shaah ah oo aad qof u iibiso waxay caddaynaysaa in uusan wax dhib ah jirin.
Xataa shacabka aan Soomaalida ahayn ee dagan kana shaqeeya gobalka waxay qaateen dhaqanka shaah cabidda.
“Markii aan halkan imid, shaah cabiddu ma ahayn wax aan jeclaa, laakiin hadda waan jeclahay,” ayuu yidhi Nick Musasia oo ah macalin macluumaadka tiknolojiyada ka dhiga Kuliyadda Kombuyuuterka ee Achievers ee dagmada Wajeer.
“Maalin walba, waxaan cabi karaa in ka badan toban koob oo shaah ah. Sida caadiga ah, waxaan aadaa goobta shaaha lagu iibiyo een jeclahay labadii saacba hal mar si aan shaah uga soo cabo,” ayuu yidhi.
Isha: Sabahi



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






