(Salaamanews)-Howl indho-fiiqis ah oo lacag la’aan ah ayaa maalintii labaad ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo al-Rayaan ayaa fududeyneysa howsha indho-fiiqista oo la qorsheynayo in ka faa’iideystaan 500 oo qof.
Mid ka mid ah saraakiisha hay’adda oo magaciisa lagu soo koobay Cabdifataax ayaa sheegay in howsha qalliinka ay ku eg tahay 29-ka bishan, isagoo intaas raaciyay in ilaa hadda lagu guuleystay qalliin lagu sameeyay 200 oo qof.
Cabdifataax wuxuu sheegay in dad ka kala yimid gobollada Bakool iyo Hiiraan iyo deegaanno ka tirsan Itoobiya ay ka faa’iideysanayaan indho fiiqista.
Salaamanews
Beledweyne, Hiiraan
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






