(Salaamanews)-Hogaamiyaha ugu sarreeya urur weynaha Al-qaacidda Ayman al-Zawahiri, ayaa soo saaray cajalad maqal ah taasoo uu ku taageerayo uguna baaqayo inay dagaalka sii wadaan mintidka Al-shabaab ee ku xiran Shabakadda Al-qaacidda.
Mr Dahaahiri ayaa marka hore sheegay in reer galbeedka midowga Afirca iyo dowladda Kenya ay iska kaashadeen qabsashada Kismaayo, waxaana uu ugu baaqay in Al-shabaab ay sii wadaan dagaalka.
“Ciidamada gaalada ah ee ka socda Kenya iyo midowga Africa waxay soo galeen Soomaaliya, waxay soo qaadeen weerar cadowtooyo ah ilaa ay ka soo galaan magaalada Kismaayo, iyagoo adeegsanaya doqeyn culus oo cirka badda iyo dhulka ah, waxayna garab toos ah oo wada shaqeyn ah ka helayaan xulafada mareykanka, kani waa duulllaan weyn oo maldahan oo ka dhan ah dhulka muslimiinta, wuxuuna waajibinayaa jihaad rasmi ah oo laga rabo hogaanka muslimiinta, ee Soomaaliya ee meelaha ku dhaw, iyo dhamaan dayowga kale ee caalamka,” waxaa yiri al-zawahiri.
Farrinta uu soo diray hogaamiyaha Al-qaacidda ayaa ka koobneyd afar farrin, dhamaantoodna waxay quseeyeen Al-shabaab, farrinta koowaad waxaa hambalyo loogu diray Al-shabaab laguna dhiirra galiyay inay dagallamaan.
“Farrinta koowaad waxaanu u direynaa walaalaha Mujaahidiinta ah ee Soomaaliya, ee u dhabar adeegay difaaca diinta waa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaan ugu baaqeynaa inay sii wadaan dagaalka oo aanay ka baqin tiradan ee cadowga, waxaa diin la jirta kalimadda alleh iyo towfiiqdiisa, dhadhansiiya cadowga kuleelka jihaadka, adinkoo ku kaidnaya weerrada qorsheysan kuwa gaadmada ah iyo kuwa is qarxinta ah, ee istishhaadiga ah, wixii ka yimaadana waxaad ku deysaan allah,”.
Halkan ka dhageyso:-Farriinta hogaamiyaha Al-qaacidda Ayman al-Zawahiri
Mr Zawahiri wuxuu ugu bishaareeyay Al-shabaab dhabar jab uu sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisaba laga soo gaarsiiyay Ciraaq, asigoo guuaabo ka dhigtay dilkii Libya loogu geystay safiirkii Mareykanka.
“Waxaa ku bisheereysataan in qowmku la dhabar jabiyay waxaa lagu soo jabiyay ciraaq, waxay ka soo baxayaan Afghanistan, waxaa la dilay safiirkoodi Banghazi, waxaa la burburiyay safaaradhoodii Qaahirah iyo sancaa, waxaana booskoodii laga taagay calanka mujaahidiinta, kooxda burburkooda is xiga xiga kadib, waxay ka shaqeynayaan dhagarta muslimiinta iyagoo ku soo gambanaya calooshood u shaqeystayaal, waxaa la jabiyay heybadoodii, mana ku soo dhiirran karaan weerar horleh, sida weeraradoodii hore ee ciraaq iyo Afghanistan”.
Zawaahiri ayaa dhanka kele ugu baaqay dhamaan mujtamaca islaamka inay taageeraan Al-shabaab gaar ahaan wuxuu saaxiba Al-qaacidda ku boorriyay inay garab siiyaan mintidka la wiiqay ee Soomaaliya.
“Farrinteyda sedexaad waxaan muslimiinta ugu baaqayaa ninad taageertaan walaalihiina mujaahidiinta Soomaaliya, adinkoo ku kaalmeynaya hub iyo ciidan hub iyo hiil iyo doca, haka tagina galikood si kaligiin la idiin cuno, “
“Faariinteyda afaraad, culimada islaamka ah ee soomaaliyeed aaway cilmigiinii ee cadeeyay in uu waajibka yahay dagaalka gaalada gumaad doonka ah qaar badan oo adinka idiin kamid ah maxay ktubtooda ula soo bixi waayeen shuuciyiintii baa soo weerartay afhhanistan lagama hadal markuu mareykan cadeysatay xasuuqa ciraaq, Somalia iyo yemen waxay xusuusteen aayadii ilaahay,”
“Umadda ilsaamka ah ee Soomaaliya waajibka ilaahay u gutta sida loogu tala galay, lana dagaallama cadowga ilaahay, war soomaaliyeey maanta waxaad ku jirtaa marxaladii jihaadka, ee cadowga iska dhiciya, soona xusuusta qoolka ilaahay”.
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






