Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Warar

Puntland oo si kulul kaga hadashay dagaal ka dhacay gobolka Bari

(Salaamanews)-Wararka ka imaanayo gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in miino dhulka lagu aasay ay la kacday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidamada oo ka soo tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku sii jeeday buura leyda Galgala oo ay ciidanka Puntland dagaallo kula jiraan fallaago taabacsan kooxda Al-shabaab.

Wararku waxay tilmaamayaan in ciidamadii la socday gaariga ay miinadu la kacday ay badankood dhinteen kuwa kalena ay dhaawacmeen.

Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir

Sida il wareed xaqiiqda ku dhaw ay noo xaqiijiyeen waxaa weerarka ku dhintay 13-ka tirsan ciidamada Puntland waxaana ku dhaawacmay 7-kale oo dhamaantoodba wada saarnaa gaariga.

Wariye Maxamed Yamani, oo ku sugan Boosaaso ayaa SN u sheegay in weerarka oo dhacay xilli habeen bar ah ay ku dhinteen askarta ka tirsan ciidanka Puntland.

Dhanka kale warsaxaafadeed maamulka Puntland uu soo saaray ayaa lagu sheegay in ururka Al-shabaab uu weerarka soo qaaday, kadibna ay iska caabin sameeyeen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay koox aad u hubaysan oo ka tirsan al-Shabaab xalay abaare 11:00 PM dhowr jiho ka weerartay cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo ku sugnaa meel u dhow deegaanka Galgala.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay ciidamada Puntland iska caabbiyeen weerarka, iyagoo dilay toddobo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, isla markaana ay dhaawaceen 12 kale.

Puntland waxay sheegtay inay labo askari uga dhimatay dagaalka, halka toban kalena ay dhaawacmeen kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo kale oo Puntland ka tirsan oo gurmad ahaan ugu socday halka uu dagaalka ka dhacay.

Puntland ayaa aamisan in dad ka soo horjeeda siyaasaddeeda ay taageero iyo saanad milateri siiyaan maleeshiyada al-Shabaab ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal