Latest

May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Isqabqabsiga ka dhashay dhaqaala xumida, awood yarida iyo kala firxadka aan la fileyn ayaa keenay in ururka Al-shabaab uu kala jabo (Warbixin muhiim ah)

(Salaamanews)-Dalka Soomaaliya oo dhaca geeska Africa waxaa uu burbursanaa muddo 21-sano ah walina dowlad shaqeyneysa oo hana qaaday kama jirto waloow ifafaallo nabadeed uu muuqanayo, hadana waxaa wali laf dhuun gashay noqday dagaalyahanka Al-shabaab oo loo aqoonsaday mucaaradkii ugu xumaa mudadii burburka dalka Soomaaliya.

Al-shabaab dadka sida wanaagsan u yaqaanno waxay ku tilmaamaan sida “Maska” oo aan hal dhinac lagu sifeyn karin oo adigoo afka iska ilaalinaya misana dibka kugu leefaya, waxaana shaqsi kasta oo kooxda ku biira leysku raacay inuu badalmo dhaqankiisa iyo ugu yaraan dabeecadihii lagu yaqaanay.

Al-shabaab waa urur la rumeysanyahay inuu fakar ahaan jiro in ka badan 10-sano laakiin wuxuu soo ifbaxay waqtiyadii ay hana qaadeen maxkamadihii islaamka oo dagaalkooda ka billowday carardii hogaamiye kooxeedyada dadku u qabeen, waxaana ururku uu fakarkiisa soo muujiyay markii ay Maxkamaduhu burbureen.

Ragga hogaanka u haya kooxda Al-shabaab maqaam ahaan xil weyn kama aanay heyn Maxkamadaha laakiin waxaa ay soo muujinayeen dowrkooda ciidamada iyo tababarista iyagoo dhanka kale qeybta wacdiga xubno caan ah ay ururka kaga soo biireen sida Fu’aad Shangole iyo Abuu-mansuur Rooboow.

firxad

Ciiidamo aan ogeyn goobta ay marayaan oo iyagoo firxad ah isku dayaya inay xiriir la sameeyaan saaxibadood kale/Al-shabaab ciidankooda

Kooxdu awood ahaan waxay soo muuqatay markii uu khilaafka soo kala dhexgalay iyaga iyo Xisbul-islaam oo ay fakar ahaan isku dhawaayeen mowqfikooda haba kala duwanaadee, waxaana ururku uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo dana Soomaali oo laga shaqeeyo, markaasi kadibna waxaa la ogaaday saantii ugu horreysay oo aheyd in Shabaabku ay madaxdoodu qabaan afkarta jihaadiga ah ee Al-qaacidda, taasina waa tan dhaxalsiisay in iyagoo muddo kooban jira lagu daray sanadkii 2008 liiska madoow ee argagaxisada caalamka.

Waloow Al-shabaab ay soo martay marxalado kala duwan ma jirto maalin ay maanta ka laciifsantahay oo ay uga dhawdahay inay kala burburto, waxaana warar hoosaad xaqiiqda ku dhaw ay sheegayaan in dagaalyahannadii dibadda ee dhaqaalaha bixin jiray ay naftooda u baqeen inta badanna dalka ay iskaga baxeen.

Ururka ayaa la kulmay cadaadis military, mid dhaqaale iyo weerarro isdaba joog ah hadii taasi ay ka hortagi lahaayeen ciidankooduna waxaa aafada ugu daran ay noqotay kala fakar duwanaasho iyo kalsooni xumo soo kala dhexgashay hogaamiyeyaasha dibadda, iyo kuwa Soomaalida, iyadoo Soomaaliduna ay dareemeysay in eex gaar ah oo fakarka jihaadiga ah mucaradeyso ay jiri karto.

Hogaamiyaha ugu caansan mintidka Al-shabaab dibaddana ka soo galay ururka waa Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-mansoor Al-amariiki, waanan ninka ugu firfircoon kooxda Al-shabaab marar badan ayuu muujiyay in khilaafka u dhexeeya Al-shabaab uu keeni karo in qorshaha la soo afjaro.

Cumar Xamaami ayaa dhowr jeer sheegay in Al-shabaab uu kala jabay isagana uu naftiisa u baqday, waxaana arrintaasi markii ugu horreysay Isniintii shalay ka jawaabay warmurtiyeed ka soo baxay taliska kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha-Al-shabaab-618x348

Xasan Daahir Aweys, Fu’aad Shangole, Mukhtaar Rooboow iyo Cali Maxamuud Raage Cali dheere/ waa xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa meesha ka saaray in Al-amariiki uu matalo magaca kooxda, waxaana la cadeeyay in Mr. Amariiki uusan wax jaga ah ka heyn kooxda islaamiga ah ee Al-shabaab, iyadoo dhanka kale kooxdu ay caawinaad dadban weydiisatay urur weynaha Al-qaacidda.

Kala jabkaasi hogaanka ku saabsan waxaa dhinac socday bayaan kale oo hogaamiyaha ugu sarreeya kooxda Al-shabaab Axmed Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar uu isaguna qiray in kooxdiisa looga adkaaday dagaalka Soomaaliya.

Mr. Godane oo qaab quus ah u hadlay ayaa hadana sheegay inay billaabi doonaan qaab cusub oo ay kula dagaallami doonaan ciidamada iskaashanya, isagoo xusay inaanay guul darradoodu ka dhigneyn inay hubka iska dhigaan.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan wali jihaadkeynii wadno, cadowga hadii uu nooga adkaaday foolka fool, inagoo saxaabadii ku dayaneyna ayaan xeeladda badaleynaa” ayuu yiri Godane.

Horjoogaha ugu sarreeya Al-shabaab ayaa hoosta ka xarriiqay inaanay wali dabar go’In islaamiyiinta Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dagaalkan cusub uu noqon doono midka khasaaraha ugu badan u geysan doona cadowga sida uu hadalka u yiri.

Hadaba dadka siyaasadda falaanqeeya lana socda aas aaska ururka Al-shabaab ayaa qaba in kala duwanaashiyaha fakarka madaxda Al-shabaab uu keeni karo isbadal cusub ayna dhici karto in madaxda kooxda qaarkood ay isku soo dhiibaan dhinaca dowladda Soomaaliya.

Sheekh C/raxmaan Janaqoow wuxuu kamid yahay aas aasayaasha maxkamadihii islaamka, oo asal ahaan ururka Al-shabaab uu ka farcamay, wuxuu sheegay in khilaafka u dhexeeya Al-shabaab iyo Al-amariiki uu muddo soo socday, caradduna ay ka dhalatay dhaqanka Al-shabaab oo aad uga fog dhaqamada ururrada kale ee Al-qaacidda taasoo keentay inuu afka  furto Mr. Amariiki.

Wasiirkii hore ee cadaaladda Soomaaliya ayaa aaminsan hadii Al-shabaab ay sii wadaan dhaqanka nuucaan ah inay ku fashilmi doonaan afkaarta jihaadiga ah ee ay ku ballan qaadeen heshiiska ay la galeen shabakadda Al-qaacidda.

Shiikh Janaqoow oo la hor dhigay su’aal aheyd maxaa la godboon muhaajiriinta la safan Al-shabaab ayuu sheegay in seddex waddo midkood ay ku badbaadi karaan, “Hadii ay doonayaan muhaajiriinta la qalday inay badbaadaan waa inay maraan seddex waddo mid kamid ah, koow inay sameystaan dallad iyaga mideysa, labo, in dalka ay iskaga tagaan oo ay ku noqdaan meelihii ay ka yimaadeen iyo inay iskaga sii jiraan kooxda Al-shabaab”.

Iyadoo cawaaqibka kooxda uu sidaa u murugsanyahay ayaa hadana waxaa aad u sii kordheysa kala furfurnaanta qabaa’ilka kooxda ku bahoobay, waxaana la sheegayaa in isku dhac uu ka dhex jiro Xasan Daahir, Abuu-mansuur Rooboow iyo Axmed Cabdi Godane.

Isku dhaca ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay markii ay kooxdu go’aansatay inaan hey’adaha samafalka ka dhiibin gobollada Baay iyo Bakool waxaa arrintaasi ka carooday Shiikh Rooboow oo dadkiisu gobolladaasi ka soo jeedaan, waxaana fakarkaasi mucaaraday Axmed Godane oo ah hogaamiyaha taladu ay ka go’do.

Sidoo kale isku dhaca Shiikh Xasan Daahir ayaa yimid markii uu Godane soo saaray fatwo ka dhan ah Xasan Daahir oo sheegeysa inuusan la hadli karin warbaahinta isagoo aan amar qabin, waxaana Shiikh Xasan laga joojiyay ka hadalka siyaasadda gudaha iyo tan Soomaaliya.

Waxaa jiro afkaaro badan oo loo soo jeediyay kooxda Al-shabaab laakiin waxana si toos ah loo ogaan karin halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka ururka  oo u muuqda mid sii laciifaayo, waxaana dhici karta in si fudud uu ku burburo ururka Al-shabaab.

Salaamanews

Nairobi, Kenya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal