(Salaamanews)-Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran ayaa sheegatay in gacanta ay ku dhigtay mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan (drones) kadib markii ay ku soo xad gudubtay hawada wadanka Iran.
Warbaahinta Iran ayaa soo bandhigay muuqaalka diyaaradda oo ay soo ridayaan ciidamada Iran oo aan waxyeello gaarsiin diyaaradda ay qabsadeen.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee Fars news agency ayaa sheecisay in diyaaradda la qabtay ay soo bandhigaysay xogta wadamada gacanka carbeed oo siyaasad ahaan xiriir wanaagsan aan la laheyn xukuumadda Washington.
Saraakiisha Iran ayaanan faahfaahin intaasi ka badan ka sii bixin diyaaraddan iyo sababta ay u qabsadeen waxaana ay sheegeen saraakiishu in baaritaan ay sameyn doonaan kadibna ay wada xaajood la gali doonaan dowladda Mareykanka.
Bishii la soo dhaafay ayay xukuumadda Tehraan soo riday mid kamid ah miigaga aan duuliyaha wadan oo ay sheegtay Iran in si sharci darro ah uu ku marayay hawadeeda.
Xiriirka wadamada Iran iyo Mareykanka ayaanan wanaagsaneyn wuxuuna sii xumaanay tan iyo markii ay Iran ku dhawaaqday kobcinta barnaamijkeeda Nuclear-ka oo ay Tehran ku doodeyso inuu yahay mid nabadeed.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






