(Salaamanews)-Ra’isal wasaare xigeenka Kenya Musalia Mudavadi, ahna musharrax u taagan doorashada soo socota ayaa Soomaalida ku eedeeyay inay masuul ka yihiin nabad darrida ka jirta dalka Kenya, wuxuuna ku hanjabay inuu Soomaalida dalkooda ku celin doono hadii uu guuleysto.
Mr. Mudavadi, ayaa wareysi gaar ah uu siiyay idaacadda VOA wuxuu ku sheegay in bisha March ee soo socota doorashada dhaceysa ay ka dhalan doonto rabshad xoogan taasoo uu sheegay inay dib u dhac u keeneyso Kenya hadii aan Soomaalida laga saarin dalka Kenya.
Rabshadii ka dhalatay doorashadii 2007 ayaa la xusuustaa inay ku dhinteen kumaan kun oo qof halka dad kale oo badanna ay ku dhaawacmeen, waxanaa laga cabsi qabaa in dhibaato kale ay ka dhalato doorashada soo socota.
Musalia Mudavadi, ayaa kamid ah xisbiga ra’isal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga, wuxuuna kamid ahaa dadkii kiciyay rabshadii ka dhalatay doorashadii madaxweyne Kibaki.
Wuxuu sheegay musharraxan u taagan doorashada Kenya, in sanadkii 2011-kii ay kooxda al-shabaab isku dayday inay ciidamo ka sameysato Kenya si ay u burburiso nidaamka dowliga ah.
“Waa inaan ka hortagnaa qatarta soo socota, taasoo aan ogsooneyn inay dhacday sanadihii 207 iyo 2008” ayuu ku yiir Raila Odinga, wareysigiisa VOA.
Kenya ayaa dhawaan Soomaalida ku amartay in dalkooda iyo Dhadhaab ay ku laabtaan iyadoo amni xumida dalkeeda ku eedeysya kooxda al-Shabaab.
Salaamanews
Nairobi, kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






