(Salaamanews)-Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsaneyd ciidanka dowladdii federaalka ee ku meelgaarka ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka WaqooyiBari Kenya.
Eedeyntan ayaa waxaa soo jeediyay guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin oo ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali Keenyaan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii ku meel gaarka ahaa inay ka dambeeyaan xasillooni darrada ka aloosan magaalada Gaarisa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Askarta ay tababar ku qaateen gudaha Kenya si ay uga mid noqdaan dadaallo dowladda Kenya ay ku doonaysay inay ku taageerto dowladdii KMG ahayd.
Laakiin waxay u adkaysan waayeen dhibaatada dagaalka waxayna dib ugu soo laabteen gudaha Kenya iyagoo hubaysan, waxaana ay billaabeen inay falal amni xumo ka geystaan gobolka waqooyi bari.
Gudoomiyaha Gaarisa oo hadalkan u sheegay wargeyska Nairobi, ka soo baxa ee the Daily nation, ayaa sheegay in qatarta Soomaaliya kaga imaaneyso Kenya ay aad u sii kordheyso.
Mr. Macallin wuxuu xusay inay dhallinyaradaas qabaan tababarro heer sare ah, loona malayn karo inay ka dambeeyaan dhibka ka jira Gaarisa.
Ku dhawaad siddeed ka tirsan baliiska Kenya iyo saddex askari oo ka tirsan milateriga ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa dabayaaqadii sanadkii hore 2012, waxaana dilalkaasi qaarkood lagu eedeeyay kooxda Soomaaliya ka dgaallanta ee Al-shabaab.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






