Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Kenya oo ka werwersan rabshad ka dhalata doorashada soo socota

(Salaamanews)-Ciidamada baliiska Kenya ayaa billaabay baaritaanno dheeraad, oo lagu ogaanayo xaaladda dadka Soomaalida iyo Keenyaanka kale ee jooga magaalooyinka waa weyn ee wadanka Kenya, xilli ay soo dhawdahay mudadii lagu ballamay doorashada dalka Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in heegan buux ay ciidanku gali doonaan inta laga meel marinayo doorashada ka dhaceysa dalka Kenya bisha March afarteeda sanadkan 2013.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Kenya General David Kimaiyo, ayaa warbaahinta u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo ammaanka maagalooyinka inta lagu jiro waqtiga doorashada oo laga cabsi qabo in kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ay geysato weerarro argagaxiso.

“Waxaanu leenahay, istaraatiijiyad ballaaran oo aanu meel gaar ah u dhigeyno amaanka kaliya doorashada maahan laakiin waxaanu eegi doonaa amaanka wadanka” ayuu yiri General David Kimaiyo.

“Waxaan aad u hubaa in labada bil ee soo socota ay keeni doonaan goob jawi deganaan ah oo ay kamid yihiin horumarka ciidamada iyo ilaalinta goobaha cod bixintu ay ka dhaceyso” ayuu sii raaciyay Mr. Kimaiyo.

General David Kimaiyo, ayaa siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta Kenya ugu baaqay inay caawiyaan ciidamada baleyska si aanu amaanka faraha uga bixin, isagoo werwer ka muujiyay nidaamka ururrada oo aad ugu milmay qabyaaladda.

Dadka siyaasadda falaanqeeya ayaa rumeysan in kooxda Al-shabaab ay Kenya ka geysan doonto weerarro aar gudasho ah inta la gu guda jiro doorashada ka dhici doonta wadanka Kenya.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in isku dhac ay dhaliyaan dadka kala raacsan madaxweyne Kibaki iyo ra’isal wasaare Odinga, waxaana la xasuustaa doorashadii 2007 ka dhacday Kenya rabshad ka dhalatay inay ku dhinteen 1,300 oo ruux halka 180,000 oo kale ay barakaceen.

 Salaamanews

Nairobi, Kenya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal