(Salaamanews)Wararka ka imaanayo magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in qarax bomb oo ka dhacay xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee Islii loo qabqabtay Soomaali badan oo ku dhaqnaa magaalada Nairobi.
Qaraxa oo ahaa bombka gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lala beegsaday xeyndaabka garoon ay leeyihiin Ciidamada cirka ee dalka Kenya.
Dad ku dhaqan Nairobi ayaa SN u sheegay in ku dhawaad 10 ruux ay weerarka ku dhaawacmeen iyadoo aan la hubin khasaaraha dhimashada.
Kadib howlgal goor hore oo saaka ah ay billaabeen ciidamada amaanka Kenya ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay Soomaali badan oo ganacsi ku lahaa Nairobi.
Sarkaal ka tirsan baliiska ayaa sheegay in qaraxan ay ka dambeeyeen dhalinyaro ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha Kenya.
Bil ka hor ayay aheyd markii qarax qabsaday gaari bas ah oo marayay xaafada Islii ay ku dhinteen ilaa 7-ruux, halka 10-kalena ku dhaawacmeen.
Tan iyo markii sanadkii hore ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa soo badanayay qaraxyada iyo dilalka ka dhacayay gudaha dalkaas.
Waloow weerarkan lagu eedeeyay kooxda Al shabaab ee Soomaaliya hadana waxaana illaa iyo hadda jirin war Shabaab ka soo baxay oo arrintan ku aadan.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






