(Salaamanews)-Kenya oo ciidamadeed heegan buuxa galisay iyadoo ka werwersan weerarro kaga yimaaddo kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa dhallinyaro la tuhmay ku qabatay magaalada Mombassa ee dalka Kenya.
Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay kuu guulaysteen fashilinta weeraro argagexiso oo lala damacsana in laga fuliyo magaala xeebedka Mombassa ee wadanka Kenya kaasi oo lasoo qorshenayay inta lagu guda jiro maal maha ciida kirismiska.
Taliyaha baliiska magaladasi Aggrey Adoli aya sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Soomaali ah oo si dhuumalaysi ah uga soo gudubtay soodinta Kenya ay la wadaagto wadanka Somalia.
Taliyaha ayaa u shegay warbaahinta in shacabka wadanka Kenya laga doonayo in ay fajignaadaan inta ay soconyaan dabaal dagyada ciidda kirismiska.
Mombasa waa maagalada 2-ad ee ugu weyn wadankaasi Kenya oo dhaqaalo badan ay kasoo gasho dawlada Kenya waxaa ragaadiyay qaraxyo bam iyo sidoo kale weerar afduub ah.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay goobaha muhiimka ah ee magalada Mombasa waxana uu taliyaha shegay in la dhigay baliiska farabadan.
Taliye Adoli ayaa shaaca ka qaaday hawgalo baritaan ah ay ka sameeyen magaalada mombsa ay ku soo qabteen 4-qof oo Somalia ah oo guri ku yaala magaladasi ku sameenayay walxaha qarxa si ay falal argagexiso ah ay uga geestaan magaladaasi.
“Waxaan si aad ah u xoojinay amaanka Hotelada goobaha dadka shacabka wadanka isugu yimaadan iyo sido kale kaaniisanada wadanka, si aan Al shabaab noo soo weerarn” ayuu yiri Mr. Adoli.
Kooxda Al-shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay weerarro argagaxiso ka geysan doonto gudaha wadanka Kenya, waxaana laga baqayaa inay ku soo beegto sanadka cusub ama waqtiga diyaar garoowga doorashada soo socota.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






