(Salaamanews)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso qarax khasaare geystay oo Khamiista badan ah ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay aagga Dahablaha ee suuqa ugu weyn Muqdisho, waxaana dad goobta ku sugnaa ay SN u xaqiijiyeen inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog.
Dad goob joogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay in qaraxa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay bartamaha Dahablaha ee suuqa Bakaaraha.
Warar xaqiiqda ku dhaw ayaa sheegaya in u jeedka weerarka uu ahaa in la khaarijiyo taliye xigeenka ciidamada dowladda ee suuqa Bakaaraha.
Ugu yaraan 20-ruux oo haweyn u badan ayaa weerarka ku dhaawacmay ku dhawaad labo ruux oo kalena waa ay ku dhintgeen sida dad goob joog ah ay noo sheegeen.
Dhaawacyada ayaa loo kala qaaday cisbitaalllada Madiina iyo Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho, waxaana saaraakiisha caafimaadka cisbitaalladaasi ay noo sheegeen in dhaawacyada qaarkood ay halis yihiin.
Ciidamada dowladda oo maanta baaritaanno billaabay markuu qaraxa dhacay kadib ayaa la sheegay in ay qabteen dad rayid ah oo u badan dhallinyaro la tuhmay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka waxaana saraakiil u hadlay dowladda ay ku eedeeyeen kooxda Al-shabaab oo falalka amni xumo ee nuucaasi ah looga bartay.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






