(Salaamanews)-Koonfur Afrika ayaa ballan-qaadday inay caawineyso dowladda cusub ee Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaaliya uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo khudbad u jeedinayay safiirro cusub oo dalalkooda Koonfur Afrika u fadhin doona oo uu ka mid yahay danjiraha Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay taabaneyso dadka u dhashay koonfur Afrika.
Wuxuu xusay in ay Soomaalida ku taageeri doonaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, una soo ceshan lahaayeen xasiloonidiisa.
Koonfur Afrika ayaa sanadkii hore Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso R100 milyan, taasoo loogu talagalay in lagu taageero mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in dhowaan la ansixiyey fulinta mashaariicdaas, loona diri doono Muqdisho koox hubin doonto in ay sida ugu dhakhsaha badan u billowdaan hirgelinta labada mashruuc.
Salaamanews
Capetown, S/Africa
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






