(Salaamanews)-Al-Shabaab ayaa maanta soo saartay warbixin ay ku dhaleecayneyso mid ka mid ah dagaalyahannadeeda shisheeye oo ay ku tilmaaamtay ‘sumcad-doon’ khatar ku ah midnimada kooxda.
Al-Shabaab waxay shaaca ka qaadday in Abu Mansur al-Amriki oo ka mid ah Jihaadiyiinta ajnebiga ah, una dhashay dalka Maraykanka, uusan matalin aragtida kooxda, isla markaana uusan wax jago ah ka hayn maamulka kooxdaasi.
Kooxdu waxay sheegtay inay sameysay isku dayo badan oo la rabay in lagu saxo khaladaadka Abu Mansur al-Amriki, balse uu diiday inuu qaato talooyinka.
Waa markii ugu horreysay oo kooxda al-Shabaab ay si cad uga hadasho aragtida kooxda ee ku aaddan al-Amriki kaddib markii uu faafiyay warar sheegaya inay naftiisa halis uga imaaneyso al-Shabaab khilaaf ka dhex dhashay awgiis.
Al-Amriiki oo magaciisa runta ah uu yahay Cumar Shafiiq Xammaami ayaa farriin muuqaal ah oo uu soo dhigay barta Internet-ka 19-kii October ku sheegay inay soo wajahday cabsi uu ka qabo in kooxda al-Shabaab ay khaarijiso taasina ay ugu wacan tahay khilaaf ka dhex jira kooxda oo ku aaddan sharciga iyo istiraatiijiyadda.
Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa u muuqda mid ifinaya muran u dhxeeya hogaanka sare ee kooxda Al-shabaab waxaana warar hore oo soo baxay ay sheegeen in dagaal yahan dibadda ka yimid ay kooxda ka weecdeen afkaartoodii hore ee dagaalka.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






