Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Kooxda al-Shabaab oo lacago baad ah ka qaadeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha

(Salaamanews)-Kooxda al-Shabaab oo laga saaray deegaanno horleh sanadihii 2011 iyo 2012 ayaa u muuqaneysa inay ka quusatay dagaalkeedii koofurta Soomaaliya iyadoo sii yaraaneysa dagaalka ay ka waddo bartamaha dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa cudeeda military waxay ku dhisneyd ilaa shan qodob oo muhiim ahaa sida uu SN u sheegay sarkaal magaciisa u diiday qalabka war tabinta, oo mar dhaw uun ku biiray hey’adda Nabad sugidda qaranka kadib markii uu ka soo goostay ururka al-Shabaab.

“Ururku wuxuu ku dhisnaa maaliyad kaga timaadda shisheeyaha kooxda , lacagaha laga qaado shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha, Dekedaha ay maamuli jireen, qabiillada oo la qasbi jiray iyo dadka qurba joogta oo fikrad badan aan kooxda ka heysan” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa awoodeeda u wareejineysa dhinaca waqooyi ee Soomaaliya iyadoo dagaallo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka billowday magaalooyinka maamul goboleedka Puntland.

Waloow kooxdu ay muddo ka soo jirtay dalka Soomaaliya, xiriir dhawna ay la leedahay ururka al-qaacidda oo ay ku biirtay 10-kii bishii February ee sanadkii hore 2012, Malaga yaabaa in ay kala jabto ama ay burburto? Su’aashaasi ayaan markale hor dhigay Sarkaalka ka goostay kooxda.

“Maya maya, marna lama dhihi karo kooxdu way burburtay ama way kala firxaneysaa, sababtoo ah, wali lama arag, hogaamiye muhiim ahaa oo ka soo goostay tan iyo markii ay laciiftay, hubkii ay laheyd wali lama soo helin, lamana oga goobaha rasmiga ah ay joogto al-Shabaabta runta ah iyo hogaankeeduba” ayuu ku jawaabay.Al Shabaab leaders

Sida horey loo ogaa kooxda al-Shabaab ayaa si’ qasab ah  lacago uga qaadi jirtay shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha, iyadoo lacagtaasi u adeegsaneysa dagaalka ay kula jirto xoogaga dowladda iyo taageerayaashoodu, waxaana ay u hanjabtay dhowr shirkadood oo ay culeys saartay.

Milkile Shirkad kamid ah kuwa xawilaadaha ayaa noo xaqiijiyay in leysku yeeray dhamaan laamaha shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha oo kulan loogu qabtay magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in loogu hanjabay in la beegsan doono hadii aanay bixin lacago loogu magac daray “kaalmeynta muhaahidiinta”.

Milkilahaasi oo naga codsaday inaan magaciisa iyo shirkadiisa aan qarino sababo ammaan ayaa xusay in shirkadaha sida ay u kala awood badanyihiin looga qaadi doono lacagaha ay rabaan saraakiisha al-Shabaab.

“Lacagta ugu yar ee leyska rabo, waa $5,000 (shan kun oo dollar), shirkadii bixin weydo 25-ka bil kasta waxaa lagu dari doonaa liiska kuwa taageersan ‘ridada’, taasina waa layaab kale” ayuu yiri.

Kooxda al-Shabaab ayaa dhawaan digniin u jeedisay shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ku eedeysay inay ka qeyb qaadanayaan taageerada dadka ku nool goobaha ay dowladdu maamusho, iyo inay ka qeyb qaadanayaan sharci loo sameynayo isgaarsiinta iyo warbaahinta.

AL-Shabaab, ayaa horey ugu caan baxday caburinta shaqsiyaadka ay u arkaan inaanay ka maarmin meelaha ay maamulaan ciidankeedu, waxaana wer wer badan uu soo wajahay shirkadaha xawilaadaha iyo kuwa isgaarsiinta ee xarumaha ku leh meelaha ay kooxdu maamusho.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal