Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Warar

Kooxda Shabaab oo ku dhawaad boqol macallin ku xirtay gobolka Galgaduud

(Salaamanews)-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay xirtay culimo badan oo ay ku eedeeysay inay aaminsanyihiin fikirka “Suufiyadda”, ee culimaa’udiinka Ahlu sunnah waljamaacah.

Kooxda Al-shabaab ayaa soo saartay amar lagu xiraayo culimada aan iyaga la shaqeyn waxaana maanta la raafay dhamaan culimadii magaalada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Warar lagu kalsoonyahay oo ku dhaw kooxda Al-shabaab ayaa sheegaya in horjoogaha kooxda Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Xasan Yacquub, uu amray in xabsiga la dhigo dhamaan culimada heysta madhabka aanay rabin kooxda Al-shabaab.

Goob jooge magaciisa sababo amaan u qariyay ayaa taleefanka Ceeldheere SN ugu sheegay in qafaalka culimada uu billowday goor hore oo Jimcaha maanta ah, mana jirto sabab cad oo culimad loo xabsiyay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Ceeldheer Xuseen Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay in ururka Al-shabaab  ay culimada xirtay kaddib markii ay ka biyo diideen inay Al-Shabaab dagaalyahanno u qoraan.

“Kooxda Al-shabaab ee khawaarijta ah ayaa xirtay 100-macallin oo diiday inay askar u qoraa, waxaa macallimiintu lagu eedeeyay inay qabaan fikirka culimada ahlu sunnah” ayuu yiri Maxamed.

Culimada la xiray ayaa isugu jiray macallimiin dugsiyo qur’aan, wadaaddo kitaabbada cilmiga dadka bara iyo mashaa’iiq kale, mana jirto eedo muuqda oo ay geysteen.

Mr. Maxamed ayaa sheegay in culimada lagu xiray xero ay kooxda Shabaabtu ku leedahay degmada Ceeldheere, waxaana jirin dadaal ay dad dhiirran kara ku soo badbaadi karaan macallimiinta.

Salaamanews

Dhuusa-marreeb, Galgaduud

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal