Horumarka isgaarsiinta internetka ee Kenya ayaa kordhinaya koru kaca dhaqaalaha, abuuraya shaqooyin isla markaana bilaya helitaanka waxbarashada, sida ay sheegeen dadka u dhuun-daloola tiknoolajiyaddan.
Adeegyada lagu qabsado internetka ee laga isticmaalayo computerada iyo taleefannada gacanta ayaa hoos u dhigay qiimaha wax lagu kala badasho ee qaybo kala duwan oo ganacsiga ah, waxa ayna fududaysay nolasha muwaadiniinta, sida uu sheegayo guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Isgaarsiinta Tiknoolijiyada (ICT) Alex Gakuru.
“Dadka ayaa si fudud u soo dagsadan kara una buuxin kara dikumintiyada sida warbixinnada bilayska,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxa ay awoodaan in ay biilasha ku bixiyaan iyagoo isticmaalaya taleefannadooda, shaqoooyinna ay ku dalban karaan. Tani waxa ay yarreysay safarada iyo kharashaadka la socda.
Sida lagu sheegay warbixinta Komishanka Isgaarsiinta ee Kenya ee 2011-ka iyo 2012-ka ee la baahiyay bishii October, isticmaalka internetka ee kombuyuutarada ayaa kordhay 19.2% tagayna 7.7 milyan isticmaale, halka isticmaalka internetka taleefanka uu kor kaga kacay 1.7% isagoo tagay 29.7milyan isticmaale.
Inkastoo uu wali sareeyo qiimaha internetka lagu helayo, Gakuru wxa uu sheegay, in kororka helitaanka internetka uu horumariyay ganacsiga Kenya, isgaarsiinta iyo waxbarashada.
Internetka sida wanaagsan u shaqeeynaya waxa uu ka dhigan yahay in qiime hoose loo isticmaalo xayaysiinta, waayo waxa uu u oggolaanayaa in ay dad badan ka helaan xiriirkaas internetka ah. Macaasmiisha oo dhinaca internetka looga xirmo, kuwaa oo milkiilayaasha ganacsiga siiya fal-celin toos ah, ayaa gacan ka gaysanaysa in shirkadahu ay haqab-tiraan baahida macaamiisha, ayuu yiri Gakuru.
Internetka waxa uu horumariyay waxbarashada, shaqooyinna wuu abuuray
James Ratemo, oo ah tifaftire kuxigeen xagga onlineka ah ee Wargayska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi, ayaa sheegay in teknoolajiyadda cusub ee ku saleeysan internetka ay waxbarashada ka dhigayso mid wax ku ool ah oo xiiso leh, taa oo gacan ka gaysanayasa in ardayda ay si fudud u fahmaan casharka.
![Mem Maina oo soo bandhigaya barnaamijyo taleefanno cusub intii uu socday bandhiggii tiknoolijiyada Afrika ee DEMO oo ka dhacday Hoolka Caalamiga ah ee Shirarka Kenya ee Nairobi 25-kii October. Sahankii ugu dambeeyay ayaa lagu ogaaday in taleefanada ay gacan ka gaysan karaan kala farqiga ka jira aaladda dijitaalka, dad badan oo Kenyan ah na u sahli karto in ay helaan internetka.. [Simon Maina/AFP]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/kenya-internet-technology-300x199.jpg)
Mem Maina oo soo bandhigaya barnaamijyo taleefanno cusub intii uu socday bandhiggii tiknoolijiyada Afrika ee DEMO oo ka dhacday Hoolka Caalamiga ah ee Shirarka Kenya ee Nairobi 25-kii October. Sahankii ugu dambeeyay ayaa lagu ogaaday in taleefanada ay gacan ka gaysan karaan kala farqiga ka jira aaladda dijitaalka, dad badan oo Kenyan ah na u sahli karto in ay helaan internetka.. [Simon Maina/AFP]
Peter Agira, oo barre xisaabta ka ah Dugsiga Hoose ee Rudolf Steine ee Nairobi, ayaa sheegaya in tallaabada tiknoolajiyada cusub lagu dabakhayo fasallada dugsiyada ay macalimiinta ka caawisay in ay si sidii hore ka wanaagsan u maareeyaan layliyada ay siiyaan ardaydooda isla markaana ula socdaan horumarkooda.
“Isticmaalka kombuyuutarada iyo qalabyada kale ee shaashadda laga isticmaalo ayaa sii kordhiyay xiisaha loo hayo waxbarashada,” ayuu yiri. “Isticmaalka qalabka dijitaalka ah bedelka sabuuradaha iyo buugaagta layliga ayaa waxbarashada ardaydeena ka dhigay mid lagu raaxaysto, taasi oo faa’ido u noqotay barashadaha xisaabaadka ad adag.”
Madaxa fullinta Gudiga ICT-da Kenya Paul Kukubo ayaa sheegay in horumarka galaangalka internetka uu gacan ka gaystay in ay abuuranto kudhowaad 1,000 shaqo oo laga helo waaxda ganacsiga bil walba.
Waxa uu sheegay in Gudiga ICT-da ay bilaabeen imtixaan dhinaca software-ka ah iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda Carnegie Mellon ee ku taala Maraykanka, taa oo looga golleeyahay in shahaado aqoonsi lagu siiyo 500 oo ah dadka Kenyanka ah ee sameya barnaamijyada ay ku shaqeeyaan kombiyuutarada sannad walba. Ulajeeddada laga leeyahay barnaamijka ayaa ah in uu xirfadlayda ka caawiyo in ay helaan aqoonsi heer caalami ah si markaa ay Kenya gudeheeda ugu sameeyaan barnaamijyo software ah isla markaana ay shaqo u abuuraan.
“Kenya si deg deg ah ayay u horumaraysaa marka laga hadlayo sameeynta barnaamijyada software-ka ah, gaar ahaan marka laga hadlaayo barnaamijyada ay ku shaqeeyaan moobeelada,” ayuu yiri Kakubo. “Xukuumadda ayaa arrintan ku bari-taaraysa taageero khuseeysa abuuridda xarumo halkaa oo gacan lagu siin karo dadka hibada sare u leh tiknoolajiyaddan ee biloowga ah.”
Yareeynta farqiga ka jira isticmaalka internetka
Jirteeyoo saamaynta wanaagsan ee internet-ka xawaarihiisu sarreeyo ku yeeshay dhaqaalaha Kenya, ayaa haddana kala duwanaasha ka jira sida internetka loo helo waxa ay ka dhigan tahay caqabad wayn, iyadoo dadka ugu badan ee internetka isticmaala ay joogaan Nairobi.
“Wax ka qabasahda farqiga ka jira dijitaalka ayaa gacan ka gaysan doonta in miyugu helo xiriir,” ayuu yiri Gakuru oo ka tirsan Ururka Macaamiisha ICT-da. “Tani waxa ay ka caawinaysaa in ay ka qeyb galaan howlaha dhaqaalaha sida suuqyo ay u helaan wax soo saarkooda taa oo aad u fudud kharashaadkana yareynaysa.”
Taleefannada gacanta ayaa gacan ka gaysan kara in la yareeyo farqiga ka jira dijitaalka waxa ayna internentka siin karaan Keenyaan fara badan, sida lagu sheegay Sahan Lagu Sameeyay Isticmaalka Internetka ee Moobeelada oo bishii November ay baahiyeen iHub, oo ah xarun ka shaqaysa soo kordhinta tiknooliyada oo saldhiggeedu yahay Nairobi.
Si walba oo ay ahaataba, suura-galnimadaa waxaa wiiqay qiimaha sare ee data-da internetka lala gato taleefanka gacanta, qiimahaas oo Keenyaan badan aannay awoodin.
Gakuru ayaa sheegaya in habka kaliya ee lagula tacaali karo yaraynta farqiga dijitaalka ay tahay, sida canshuuraha oo lagu kordhinayo shirkadaha isgaarsiinta ee shaqada u qabta magaalooyinka, lana siinayo canshuur dhaaf kuwa isgaarsiinta internetka siiya aagagga miyiga ah.
Saxafiga Ratemo ayaa qaba in xukuumaddu ay tahay in ay canshuuraha ka joojiso taleefanada casriga ah si qalabka looga dhigo mid ay iibsan karaan muwaaddiniinta ku sugan aagagga aan laga helin isgaarsiinta fibre optiga ee awooda in ay isgaarsiin ku helaan taleefannada.
“Haddii beeca taleefannada tafaariiqda ah si xoog leh loo dhimo, waxa ay ka dhignaan doontaa in dhammaan keenyaanka beeralayda ah ay awood u yeelanayaan in ay helaan internet, sidaa daraadeedna ay awood u yeelan doonaan in ay suuq [u raadiyaan] wax soo saarkooda iyagoo isticmaalaya taleefannada,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ay tahay in xukuumadda iyo kuwa bixiya howlaha taleefannada gacanta ay wada shaqeeyaan si ay u yareeyaan kharashka.
Kukubo ayaa sheegay in dowladda ay dhameystirayso isgaarsiinta degmooyinka si ay u hubiso in mid walba oo kamid ah 47-da degmo ee Kenya ay ku xirmaan fiilada dhulka hoostiisa marta ee fibre opti-ga. Dhameystirka howsha kaabayaashaas ayaa gacan ka gaysan doonta in ay kororto isgaarsiinta dalka oo idil, ayna yareeyso farqiga u dhexeeya dadka, ayuu yiri.
Waxaa Qoray Rajab Ramah oo Nairobi jooga
Isha: Sabahi



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






