Barta internet-ka ee Salaama waxaa aas-aasay islamarkaasna haga wariyeyaal iyo mihnadleyaal saxaafadeed oo Soomaali ah daldhiggooduna yahay Soomaaliya iyo Mareykanka, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in la dhiiragaliyo deggaananshaha, lana bari-taageero dadaalada horumarineed iyo hayaanka nabadda ee ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay uga soo kabsan lahayd dhibaatadii colaadda, nabad la’aantii iyo qaran burburkii ku dhacay.
Bartilmaameedka iyo hadafka loo furay Salaama, waxaa uu yahay in ay soo gudbiso wararka iyo dhacdooyinka horumarineed oo ka yimaada intooda badan guud ahaan gobollada iyo deegaanadda Soomaaliya iyo waliba meelaha kale ee ay Soomaali degto, kuwaasi oo ay soo qoraan wariyeyaal muddo dheer ka soo shaqeeyey xirfada saxaafadda, tababar wanaagsan, qibrad iyo aqoon dheerna u leh.
Salaama, waxaa ay ku shaqaysaa sharuucda iyo anshaxa saxaafadda madax-banaan, oo ay gundhig u tahay dhex-dhexaadnimo, run sheegid iyo cadaalad.
