(Salaamanews)-Saraakiisha amaanka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xafladaha dabaal daga sanadka cusub dad ka qeyb qaadnaayay ay haleeleen shil gaadiid oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee magaalada xarunta u ah ganacsiga Nigeria ee Abidjan.
Shilka ayaa dhacay goor hore oo salaasada maanta ah waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen 200 oo ruux, waxaana ku dhintay 60-qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku jiraan haweyn iyo carruur aad u fara badan, waxaana laga cabsi qabaa inay sii bataan dadka dhintay ee dhaawacyada qaba.
Dhaawacyada ayaa badankood la dhigay caasimadda Abidjan, ee wadanka Nigeria, waxaana shilkaasi u muuqday mid ka dhashay markii uu gaariga farriinka goostay.
Saraakiisha dowladda Nigeria, ayaa sheegay in la baarayo sabab rasmiga ah ee ka dambeysay inuu shilku dhacay, waxaana si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Salaamanews
Qahira, Maser
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






