(Salaamanews)-Maalmaha ugu qiimaha badan dunida ayaa loo asteeyaa hadba maalinta ay mudantahay waxaana maanta oo kale (01 December) aduunka oo dhan laga xusaa maalinta faaf reebka cudurka HIV Aids.
Maanta oo kale waxaa aduunka oo dhan la weyneynayaa qatarta uu leeyahay cudurkan iyo qataraha uu badi karo bani’aadmka, waxaana la kordhiyaa wacyagalinta cudurka iyadoo la taageerayo dadka cudurka la nool oo xaaladda adag ku jira.
Wacyigalinta loo sameynayo dadka aan fakar badan ka heysan qatarta cudurka ayaa waxaa lagu sii baahiyaa bulshada aduunka oo dhan.
.05-tii June sanadkii 1981-kii ayaa la ogaaday in cudurka Aids-ka uu ka dillaacay dunida iyadoo markaasiana ay warbixin daabacday xarunta control-ka cudurrada ee Mareykanka.
Dhaqaatiir badan oo ku kulantay magaalada Los Angeles ayaa ogaatay maalmo uun kadib in cudurka uu yahay Aids, waxaana ay waqtigaasi billaabeen raadinta dawadiisa laakiin illaa iyo maantadan lama hayo.
Sanadkaasi waxaa la helay in cudurku uu sii kordhayo faafkiisa, waxaana dabayaaqadiii sanadkaasi 1981-kii dhintay 121 ruux halka 270-kalena laga helay Feyruska dhliya cudurka ee HIV.
Labo sano uun kadib waxaa hey’adda caafimaadka aduunka ee World Health Organization (WHO) ay sheegtay in cudurka HIV/Aids uu yahay mid saameynaya aduunka oo dhan, waxaana ay waqtigaasi billowday digniino dadka loo jeedinayo.
Dad ka badan 25 milyan oo qof ayuu cudurka dilay intii u dhexeeysay sanadihii 1981-kii illaa sanadkii 2007, sida ay sheegtay daraasad caalami ah, iyadoo in ka badan 33 milyan ay cudurka la noolaayeen muddadaas dhexdeeda.
Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda Afrika haba ugu horreysee.
Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee Aids-ka, iyadoo waddamo badanna ay taageereen xuska maalinta.
Hadaba bulshada caalamka ayaa maanta weyneynesa maalintan, waxaana looga dabaal dagay oo maalintan laga xusay Somaliland, iyadoo munaasibad ka dhacday Hargeysa ay ka qeyb galeen madax iyo dad qaba cudurkan HIV/Aids.
Salaama News
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






