Latest

May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - webdesign

Home » Islam, Warar

Maalinta “Valentine’s Day” Maxay tahay? & Diinta Islaamku ma ogoshahay Maalintaas?

(Salaamanews)-Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? Diinta Islaamkuse ma ogoshahay Maalinta in la weyneeyo oo loo dabaal dago? Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan Maalinta Khamiista ah ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.

Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino, waa inaan ogaanaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s & halku kaso bilowday & diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine’s Day ama maalinta jacaylka aduunka Maxay tahay?

Marwalba oo ay taariikhdu ku beegantahay 14 February waxa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaaldagaa maalintaas & magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiran yahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Romanka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka & guurka, maalinta ku xigta oo ah 15th Feb, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.valentines-day-can

Taariikhda Valentine’s Day

Nolosha wiilasha & gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas, wax yar ka hor u dabaal dagida Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad, wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa inay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaalada uu galayo, wuxuu rumaysnaa in aynan raga Romans ka aynan rabin inay ka tagaan jeceelkooda & qoysaskooda, boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuuxuna mamnuucay in la isguursado si ninku unaan u yeelan qof uu ku xirnaado.

Valentine xiligaas wuxu ahaa wasiir dhinaca kaniisadaha & diinta kana tirsanaa dowladii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen,  arintaas daradeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Diinta Islaamka iyo xusaska ceynkan ah ?

Nebiga SCW ma qirin caadooyinka gaalada iyo wixii la caabudi jiray xilligii jaahiliyada. Anas RC waxaa laga weriyay in Nebiga uu yimid magaalada Madiina oo ay dadku leeyihiin 2 maalmood oo ay ciyaaraan. Wuxuu yiri maxay yihiin maalmahaan? Dadkii waxay ugu jawaabeen: waa maalmo aan ciyaari jirnay xilligii jaahiliyadda.

Nebiga SCW wuxuu yiri: Allaah wuxuu idinkugu beddelay 2 maalmood oo ka kheyr badan oo kala ah labada ciidood ee Carafada iyo ciidda Soon-fur.

Waxaa qortay Sacdia Mohamed Nor

Isha: Keydmedia

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal